Qaraxii xalay Muqdisho laga maqlay 3:00 habeenimo oo la ogaaday (muxuu ahaa yaase ku dhintay)

Qarax aad u xoogan ayaa habeenimadii xalay laga maqlay qeybo fara badan oo kamid ah magaalada Muqdisho kaasi oo saakay oo idil lagu wareersanaa aadna loo raadinayay warbixinta qaraxaasi. Muqdishoonline.com ayaa uu kuurgashay qaraxan iyo waxa uu ahaa, waxaana lasoo xaqiijiyay in qaraxan uu ahaa miino dhulka lagu aasayay oo aad u weyneyd oo ku qaraxday kooxdii aaseysay kunawada dhamaadeen. Miinada qaraxday ayaa lagu aasayay Jidka Warshadaha gaar ahaan agagaarka dhismaha Jaamacadda SIMAD, waxaana lasoo sheegayaa in rag la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Alshabaab oo miinada aasayay ay…

Read More

2gaari oo maanta Muqdisho ku qarxay (yaa kala watay)

Sawir hore

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ka dhacay qaraxa labo gaari kuwaasi oo ahaa noocyada raaxada, waxaana lasoo sheegayaa in wax khasaare ah uusan ka dhalan qaraxyadaasi gawaarida lagu soo xiray. Qaraxa Koobaad ayaa ka dhacay wadada dabka gaar ahaan meel u dhaw Hotel Dayax ee Degmada Waaberi, waxaana lahaa gaarigaasi nin lagu magacaabo C/shakuur Ciise oo u shaqeeya dowladda Federaalka, waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in gaariga markii uu fuulay uu dareemay gariir kadibna uu ka booday gaarigii waxyar kadibna horey uu ka qarxay. Gaariga oo sida la xaqiijiyay Miinada lagu…

Read More

Qarax labaad oo Muqdisho ka dhacay iyo Guddoomiyaha Deg.Boondheere oo ka warbixiyay + SAWIRO

Qarax aad u xoogan ayaa maanta xilliga duhurka laga maqlay magaalada Muqdisho, wuxuuna ka dhacay qaraxaasi kasoo horjeedka Maqaayadda Banooda oo kuyaalla kasoo horjeedka Hotel Nasahablood II Qaraxan oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxaa lasoo dhigay maqaayadaasi banaankeeda, waxaana markii uu qarxay maqaayadda kujiray dad badan oo halkaasi ka qadeynayay. Guddoomiyaha Degmada Boondheere oo kahadlay halkaasi ayaa sheegay in qaraxa wax dhibaato ah aanu geysan marka laga reebo gaarigii qarxay oo gawaari kale oo halkaasi ku parking-saneyd burburiyay. waxa uu xusay Guddoomiyaha Degmada Boondheere Qaasim Cabdulle…

Read More

Qarax ka dhacay guri kuyaalla Xaafadda sey biyaano ee Degmada Hodan (Nooca qaraxa)

Waxaa saakay saacaddu markii ay aheyd 8:00am qarax uu ka dhacay guri kuyaalla Xaafadda Sey biyaano dagmada Hodan ee Gobolka Banaadir. Qaraxan ayaa dhaliyay khasaare dhaawac ah oo soo gaaray canug yar, majirto khasaare kale oo laga soo sheegay qaraxaasi, waxaana qaraxa kadib goobta gaaray ciidamada dowladda oo halkaasi baaritaanno ka sameeyay. Ciidamada dowladda oo qaraxa u heystay dad qarax abaabulayay oo ku fashilmay ayaa markii dambe la ogaaday in nin oday ah oo aan la shaacin waxa uu yahay ama cidda uu u shaqeeyo gaarigiisa loogu soo xiray qarax…

Read More

Ra’iisal wasaare kheyre oo xalay booqday Isbitaallada Muqdisho

kadib qaraxii shalay gelinkii dambe ka dhacay banaanka hore ee tiyaataarka qaranka oo dad badan ay waxyeello kasoo gaartay lana geeyay isbitaallada Muqdisho ayaa xalay waxaa booqday ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre. Ra’iisal wasaaraha ayaa ku tegay booqashada Isbitalka Madiina iyo Ordogan Ex-digfeer, wuxuuna halkaasi kula kulmay bukaannada kujira gaar ahaan kuwii kusoo dhaawacmay qaraxa. Ra’iiisal wasaare Kheyre ayaa ka wareystay maamulka isbitaalladaasi xogta dadkii la keenay iyo sida ay wax u soo gaareen, waxaana dadka ugu badan lageeyay isbitaalka Madiina. Dr.Maxamed Yuusuf oo ah Aggaasimaha isbital Madiina ayaa ra’iisal…

Read More

SAWIRO : 5qof oo ku geeriyootay qaraxii Galabta Muqdisho ka dhacay

Qarax aad u xoogan ayaa ka dhacay kasoo horjeedka Guriga Hooyooyinka halkaasi oo ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira. Gaariga qarxay ayaa waxaa istaajiyay askari katirsan Ciidanka Xoogga dalka kadib markii uu ka shakiyay, waxaana isla markii uu istaajiyay qarxay gaarigii, halkaasi oo uu ku nafwaayay askarigii. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxan beegsigiisu uu ahaa meel kale hayeeshee uusan gaarin, waxaana ku geeriyooday qaraxa inta dowladda Soomaaliya ay xaqiijisay 5ruux halka tiro kabadan 10qof ay kudhaawacmeen. Dhinaca kale Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Xalane oo Saxaafadda…

Read More

Ciidanka Nabad sugida Galmudug oo gacanta ku dhigay gaari qarax laga soo buuxiyay

sawir hore

Ciidamada Nabad sugida Maamulka Gobolkeedka Galmudug ayaa gacanta kusoo dhigay gaari laga soo buuxiyay qarax kaasi oo la doonayay in lala beegsado goobaha dowladda ay ka taliso. Saraakiisha Nabad sugidda Galmudug ayaa sheegay in gaarigan uu noociisu yahay caasi kaasoo lagu qabtay inta u dhaxeysa Caabudwaaq iyo deegaanka Xanan-buure. Sidoo kale waxa ay sheegeen Nabad sugidda in gaariga lala soo qabtay dadkii waday oo gacanta lagu hayo, waxaana lasoo sheegayaa in gaariga qaraxa siday uu ka yimid deegaanka Galhareeri oo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab, waxaana saraakiisha ay sheegeen inuu…

Read More