Baarlamaanka Soomaaliya oo saacado ku ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda (Maxaa sabab u ah)

Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya ee shalay ka dhacay xarunta Baarlamaanka ayaa waxaa lagu ansixiyay Miisaaniyadda xukuumadda Soomaaliya. Miisaaniyadan ayaan la socon xisaabxir labadii miisaaniyad ee hore 2015 iyo 2016 oo weli ku maqan xukuumadii xilka wareejisay, isla markaana hanti dhowrka Qaranku uu sheegay inay ka maqan tahay lacag dhan 110 Milyan oo Doolar. Wasiirka cusub ee Maaliyadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa faahfaahin ka bixiyay Miisaaniyadda dowladda ee sanadkan isaga oo sheegay in ay dhantahay US$ 267,544,364 (Laba boqol lixdan iyo toddobo milyan, Shan boqol afartan iyo afar kun, Seddex…

Read More

Ra’iisal wasaare Kheyre oo Hey’adaha dowladda amar culus kusoo rogay.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta amar culus soo saaray kaasi oo uu ku amrayo hey’adaha dowladda kuna aadan isticmaalka luqadda Soomaaliga. Amarkan oo si gaar ah wasaaradaha dowladda ugu socday hey”adaha kale ee dowladduna ay la wadaagayaan ayaa wareegto rasmi ah kusoo saaray in luqadda ay isticmaalayaan ay noqoto Soomaali sidoo kale waraaqaha rasmiga ah ee kasoo baxaya wasaaraduhuna ay ahaadaan kuwa Soomaali ku qoran. Amarkan oo isla maanta fulaya ayaa ku qasbaya hay’adaha dowladda inay af-Soomaaliga isticmaalaan iyadoo markii hore si weyn loo adeegsan jiray luqada ingiriiska…

Read More

Baarlamaanka Soomaaliya oo 224cod ku ansixiyay Xukuumadda Kheyre (Warbixin Dhameystiran)

Kulankii Golaha Shacabka oo maanta lagu balansanaa ayaa furmay kaasi oo uu horyaalay ajeendooyin dhawr ah, waxaana kulanka lagu furay xildhibaano gaaraya 224 oo maanta soo wada xaadiray. Shirka Baarlamaanka markii la furay kadib waxaa hadlay Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad wuxuuna xusay in iyaga oo ah 10xildhibaan ay soo jeedinayaan ajendaha in lagu soo daro xukuumadda in maanta cod loo qaado, arintaasi waxaa kahor yimid xildhibaannada qaar halka kuwa kalena ay taageereen, ugu dambeyntii waxaa la isku raacay in codka loo qaado. Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo Xarunta Golaha…

Read More

Ra’iisal wasaare Kheyre oo maanta Baarlamaanka horgeynaya Xukuumadda uu soo dhisay

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta lagu wadaa in uu Baarlamaanka Soomaaliya horgeeyo Golihiisa wasiirada ee dhowaan uu soo dhisay. Baarlamaanka ayuu ka codsan doonaa in codka kalsoonida ay siiyaan xukuumaddan isla markaasina hawshooda lagula xisaabtamo kadib marka ay hawl bilaabaan. Saakay ayaa waxaa la xiray waddooyinkii la xiri jiray marka kulanka baarlamaanka uu jiro waxaana lagu wadaa in saakay Baarlamaanka uu kulmaan kadibna codka kalsoonida loo qaado. Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ka muuqata kalsooni badan waxaase laga warsugayaa baarlamaanka waxa ay xukuumaddiisa kala…

Read More

Ra’iisal wasaare Kheyre oo booqday goobaha barakaceyaasha abaaraha ay dageen (SAWIRO BADAN)

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta booqday xarumaha ay kusugan yihiin dadka barakaceyaasha ee duleedka Magaalda Muqdisho. Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale kormeerkiisa kusoo maray xerooyin raashiin ceeriin iyo kuwa bisil loogu qeybinayay isaga oo aad ugu riyaaqay shacabka Soomaaliyeed sida wanaagsan ee ay isugu gurmanayaan. Hadal uu warbaahinta ka jeediyay ayuu ku tilmaamay sida loogu baahan yahay in mar waliba la garab istaago dadka dhiban ee abaartu ku dhacday, isaga oo xusay in Xukuumadda ay gacan siin doonto isla markaana looga baahan yahay shacabka iyo guud ahaan…

Read More

Ra’iisal wasaare kheyre oo xariga ka jaray wado cusub oo laami ah oo la dhisay (SAWIRO)

Xaflad si kooban uga dhacday degmada C/casiis ayaa waxaa lagu furayay wado u dhaxeysa Degmooyinka C/casiis iyo Kaaraan oo maalmahan dambe dayactir uu ku socday oo hadda lasoo gaba gabeeyay laami nadiif ahna laga dhisay. Furitaanka wadada la dhisay ayaa waxaa kasoo qeybgalay Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, waxaana goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, Xildhibaanno, Mas’uuliyiin kale oo katirsan Maamulka Gobolka Banaadir, Haween iyo marti sharaf kale. Hadalo kala duwan ayaa goobta laga jeediyay, waxaana ka hadlay Ganacsatada…

Read More

Ra’iisal wasaare Kheyre oo isbadal la’aan ku adkeysanaya, Shariif Xasan iyo wasiirada magacaaban oo olole ugu jira ansixinta G/wasiirada

Kadib markii ra’iisal wasaare kheyre uu soo gaaray warqaddii ka timid guddoomiyaha baarlamaanka kuna lifaaqneyd inkabadan 100 xildhibaan oo ugu baaqay ra’iisal wasaaraha dib in uu ugu noqdo liiska golaha wasiirada ayuu weli go’aankiisa ku adkeysanayaa. Kheyre ayaa Sheegaya in uu soo dhaweynayo talo soo jeedintii xildhibaannada lakin iminka uu ku adkeysanayo in magacna uusan ka badalin golaha wasiirada oo sidii uu u soo magacaabay ku horgeeyo baarlamaanka Soomaaliya uguna weydiisto cod. Arintan ayay leeyihiin dadka siyaasadda falanqeeya in ay tahay ad adkaanta ka muuqata ra’iisal wasaare kheyre, wuxuuna doonayaa…

Read More

Ra’iisal wasaare kheyre oo xalay booqday Isbitaallada Muqdisho

kadib qaraxii shalay gelinkii dambe ka dhacay banaanka hore ee tiyaataarka qaranka oo dad badan ay waxyeello kasoo gaartay lana geeyay isbitaallada Muqdisho ayaa xalay waxaa booqday ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre. Ra’iisal wasaaraha ayaa ku tegay booqashada Isbitalka Madiina iyo Ordogan Ex-digfeer, wuxuuna halkaasi kula kulmay bukaannada kujira gaar ahaan kuwii kusoo dhaawacmay qaraxa. Ra’iiisal wasaare Kheyre ayaa ka wareystay maamulka isbitaalladaasi xogta dadkii la keenay iyo sida ay wax u soo gaareen, waxaana dadka ugu badan lageeyay isbitaalka Madiina. Dr.Maxamed Yuusuf oo ah Aggaasimaha isbital Madiina ayaa ra’iisal…

Read More

Shacabka Soomaaliyeed oo kala aragti ka noqday Golaha Wasiirada Cusub

Golaha Wasiirada cusub oo maanta lagu dhawaaqay kana kooban 68kursi ayaa waxaa aragtidooda ku cabiray qaar kamid ah bulshada Soomaaliyeed ee kudhaqan Gobolka Banaadir. Dadka oo kala ra’yi duwan, waxa ay sheegayaan qaarkood in Golahan cusub ay yihiin kuwa wax qaban kara isla markaasina xaaladda dalka uu kujiro ka saari kara, waxayna u sababeynayaan in aqoon ay u leeyihiin shaqooyinka loo dhiibay. Dad kale ayaa iyaguna qaba ra’yi kaas ka duwan, waxaana ay sheegayaan in Golahan wasiirada lagu soo badiyay xildhibaanadii ladoonayay in ay la xisaabtamaan xukuumadda taasina ay tahay…

Read More

Ra”iisal wasaare kheyre “Wasiirkii ama wasiiraddii lagu ogaado in sirta qaranka ay bixiyeen shaqadooda ayay ku waayi doonaan”

Kadib markii maanta uu ku dhawaaqay ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre Xukuumaddiisa ayaa hadallo kulul oo isugu jira digniin iyo dhiiragelin u jeediyay wasiirada cusub ee uu soo magacaabay. Waxa uu sheegay in la xisaabtan cusub uu jiro doono wasiir kastana lasiin doono hab raaca shaqada sidoo kalena la diiwaan gelin doono mas’uul waliba hantida guurtada iyo maguurtada uu leeyahay si hadhow loola xisaabtamo marka uu xilka ka tegayo. Sidoo kale waxa uu sheegay ra’iisal wasaare kheyre in wasiir waliba laga saxiixi doono qarinta sirta qaranka, “Wasiirkii…

Read More