Jidgooyo laga soo sheegayo jidadka soo gala Jowhar

Jidadka soo gala Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh/dhexe ahna Caasimadda Maamulka Hir-shabelle ayaa laga soo sheegayaa in dhibaatooyin ay ka taagan  yihiin. Dhibaatooyinkan ayaa ah jidgooyo dadka lagu baarto oo halkaasi kusoo badanaya iyadoo aanu jirin cid wax ka qabaneysa arimahaasi, waxaana jidgooyada ay taal sida dadka deegaanka ay kusoo waramayaan halka loo yaqaan garsaale oo 5KM u jirta Jowhar. Mid kamid ah dadka deegaanka oo u waramay Muqdishoonline.com ayaa sheegay in gaari candhameedle ahaa xalay lagu dhacay halkaasi oo dadkii saarnaa wixii ay heysteen oo dhan laga furtay.…

Read More

Roob bilow ah oo ka curtay Gobollada Hiiraan, Sh/dhexe iyo Banaadir

Iyadoo Gobollada dalka ay kajireen abaaro xoogan roobabkii la sugayay xilligii la bartayna sanadkan ay dib uga soo dhaceen ayaa salaad iyo alle bari kadib waxaa bilowday roobkii la sugayay. Gobollada ay roobabkan ka bilowdeen waxaa kamid ah Gobolka Hiiraan oo deegaanka Moqokori iyo deegaan kale ay si aad ah uga da’eeh xalay, waxaana dadka deegaannadaasi ay soo sheegayaan in roobka uu ahaa mid lagu diirsaday. Gobolka Sh/dhexe ayaa isna gelinkii dambe ee shalay ka curtay roobka, waxaana deegaannada uu ka da’ay kamid ahaa Mahadaay iyo deegaannada ku xeeran, waxayna…

Read More