Maamulka Galmudug oo waqti ku daray isdiiwaan gelinta Musharaxnimada Madaxweyne

Maamulka Galmudug guddigooda doorashooyika Madaxweyne ayaa lagu soo waramayaa in ay dib u dhigeen xilligii ay ku ekeed doorashada madaxweynaha maamulkaasi. Guddiga ayaa sheegay in illaa iyo hadda ay is soo diiwaan geliyeen 3musharax waxaana fursad lasiinayaa musharaxiinta kale ee xilkaasi doonaya hayeeshee ka warsugaya xaqiiqda xilliga doorashada ay dhici doonto. mudada ayaa sidoo kale la sheegay in la gaarsiiyay illaaa 8-da bishan, waxaana 10-ka bishan lafilayaa in doorashadu ay dhacdo iyadoo habeenimadii xalay ay socdeen kulamo xasaasi ah. Maamul Goboleedka Galmudug oo horey Madaxweyne uu uga ahaa C/kariim Xuseen…

Read More

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo jawaab cad u soo diray ra’iisal wasaare kheyre. (Document)

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Sooomaaliya ayaa dhowaan ka codsaday xildhibaannada Galmudug in ay dib u dhigaan muddo 45casho ah doorashada madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug. Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa arintaasi ka bixiyay jawaab cad una soo diray Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna ku wargeliyay in markii baarlamaanka uu u jeediyay codsigiisa ay Baarlamaanka Galmudug go’aan ku gaareen xilliga doorashada ay dhaceyso. Warqadda uu Guddoomiye Cali Gacal Casir u soo qoray Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa u qornaa sida tan:- Please follow and like us:0

Read More

Waqtigii la dooran lahaa Madaxweynaha Galmudug oo la isku afgartay

Xildhibaannada Baarlamaanka Maamul Goboleedka Galmudug ayaa waxa ay maanta kulan kuyeesheen xaruntooda kumeel gaarka ah ee magaalada cadaado si ay uga shiraan xilliga doorashada madaxweynaha. Kulanka oo saakay furmay ayaa buuq ku bilowday kadib markii ay isku fahmi waayeen xildhibaannada xilliga laga dhigayo doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo Madaxweynahoodii hore C/kariim Xuseen Guuleed arimo caafimaad dartii isku casilay. Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa ugu dambeyn ku heshiiyay Doorashada Madaxweynaha Galmudug in la qabto 10-ka Bisha April ee sanadkan 2017 inkastoo buuq uu ka dhacay kulankii baarlamaanka. Guddoomiyaha Barlamaanka Maamulka Galmudug…

Read More

Mooshinkii lagu ridi lahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo laga laabtay

Wararka inaga soo gaaraya magaalada Cadaado oo xarun kumeel gaar ah u ah Maamul Goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in mooshinkii laga diyaarinayay Guddoomiyaha Baarlamaankaasi dib loola laabtay  oo wax mooshin ah aanu jirin. Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Galmudug oo lagu magacaabo Saalax Axmed Caynte lana hadlay warbaahinta Muqdisho sheegay kulan ay yeesheen xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug in lagu go’aamiyay laalida Mooshinka laga waday Guddoomiye Cali Gacal Casir. Sidoo kale waxa uu sheegay Maamulka Galmudug in uu yahay maamul mar walba ka shaqeeya danaha shacabkiisa, loona baahneyn is qab qabsi iyo is jiid…

Read More

Ra’iisal wasaare Kheyre oo ku baaqay in Doorashada Galmudug 45casho dib loo dhigo

War saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa looga hadlay arinta doorashada madaxweynaha Galmudug ee lagu wado dhowaan in ay ka dhacdo Magaalada Cadaado. Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidan :- Warsaxafadeed Doorashada Galmudug (Muqdisho 19/03/2017) Raiisul Wasaaraha XF Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Arimaha doorashada ee dhawaan looga dhawaaqay in ay ka dhici doonto Galmudg wuxuu kulamo wadatashi oo isdabajoog ah kala layeeshay dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Galmudug, sida: Hoggaanka Galmudug, Xildhibaanada Barlamaanka Galmudug qaarkood, Xildhibaanda Aqalka Sare , xubnaha Golaha Shacabka…

Read More

Ciidanka Nabad sugida Galmudug oo gacanta ku dhigay gaari qarax laga soo buuxiyay

sawir hore

Ciidamada Nabad sugida Maamulka Gobolkeedka Galmudug ayaa gacanta kusoo dhigay gaari laga soo buuxiyay qarax kaasi oo la doonayay in lala beegsado goobaha dowladda ay ka taliso. Saraakiisha Nabad sugidda Galmudug ayaa sheegay in gaarigan uu noociisu yahay caasi kaasoo lagu qabtay inta u dhaxeysa Caabudwaaq iyo deegaanka Xanan-buure. Sidoo kale waxa ay sheegeen Nabad sugidda in gaariga lala soo qabtay dadkii waday oo gacanta lagu hayo, waxaana lasoo sheegayaa in gaariga qaraxa siday uu ka yimid deegaanka Galhareeri oo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab, waxaana saraakiisha ay sheegeen inuu…

Read More