Baarlamaanka Soomaaliya oo saacado ku ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda (Maxaa sabab u ah)

Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya ee shalay ka dhacay xarunta Baarlamaanka ayaa waxaa lagu ansixiyay Miisaaniyadda xukuumadda Soomaaliya. Miisaaniyadan ayaan la socon xisaabxir labadii miisaaniyad ee hore 2015 iyo 2016 oo weli ku maqan xukuumadii xilka wareejisay, isla markaana hanti dhowrka Qaranku uu sheegay inay ka maqan tahay lacag dhan 110 Milyan oo Doolar. Wasiirka cusub ee Maaliyadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa faahfaahin ka bixiyay Miisaaniyadda dowladda ee sanadkan isaga oo sheegay in ay dhantahay US$ 267,544,364 (Laba boqol lixdan iyo toddobo milyan, Shan boqol afartan iyo afar kun, Seddex…

Read More

Shir madaxeedka Carabta oo Maanta Jordan ka furmaya

Waxaa maanta in dalka Cammaan caasimaddiisa Jordan uu ka furmo Shirka Hogaamiyeyaasha Jaamacadda Carabta kaasi oo sanadkan hoggaamiyeyaal aan horey uga qeybgeli jirin lafilayo in ay ka qeybgalaan. Shirka qodobada looga hadlayo, waxaa ka mid ah Abaaraha ka jira Soomaaliya, dhibaatooyinka ay la kulmayaan Falastiniyiinta oo waligeed looga hadla shirarka carabta, dagaalada ka socda Yemen iyo arimo kale. Warbaahinta caalamka oo soo xiganaysa madaxda ka tirsan Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in wadamada Jaamacadda carabta ay si buuxda u taageeri doonaan Dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay lacago badan ugu yaboohi doonaan dadka…

Read More

Madaxweyne Farmaajo oo dalka ka dhoofay si uu uga qeybgalo shir madaxeedka J.Carabta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaalka SOomaaliya Maxamed c/llaah Farmaajo ayaa maanta dalka ka dhoofay kaasi oo kusii jeeda dalka Jordan halkaasi oo shir uu uga qeybgeli doono.   Shir madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta oo berri ka furmi doona dalkaasi Jordan ayaa waxaa ka qeybgeli doona Boqorka Sacuudiga iyo madax badan oo Carbeed, iyadoo muddo dheer kadib uu tegi doono Boqorka Marooko Boqor Maxamed-ka lixaad, waxaa kaliya oo marnaan doona kursiga dalka Suuriya oo hore looga saaray dowladda Bashaar Al-asad. Arimaha looga hadlayo ayaa waxaa kamid ah dhibaatada Soomaaliya ka taagan gaar ahaan…

Read More

Madaxweyne Farmaajo oo xildhibaannada ka codsaday in ay ansixiyaan Golaha Wasiirada ayna la xisaabtamaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo oo xilli habeenimo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib safar uu ku aaday dalka Kenya ayaa waxa uu ka hadlay arinta ansixinta Golaha wasiirada cusub. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ay hortaallo arin xasaasi ah sidoo kalena shacabka ay dhiban yihiin una baahan yihiin dowlad wax ka qabata arimaha dalka ka taagan. Xildhibaannada Golaha Shacabka ayuu ka codsaday in ay ansixiyaan Wasiirada cusub kadibna ay la xisaabtamaan, loona baahan yahay in dowladdan ay noqoto mid isla xisaabtan. Sidoo kale waxa uu…

Read More

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Villa Somalia oo la badalay

Madaxweyanaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xilkii taliyaha ilaalada Madaxtooyada SOomaaliya ka qaaday Jen.Ibraahim Sheekh Muxiyaddiin waxaana lagu beddelay Korneel Axmed Maxamed oo loo yaqaan Afcaddeey. Taliyeyaasha Maanta Madaxweyne Farmaajo uu kala badalay ayaa waxa ay maamulaan keliya ciidanka Madaxtooyada ilaalada ka ah kuwaasi oo tiradooda lagu sheego hal guuto, waxaana sidoo kale loo yaqaan Koofi cas. Taliyaha cusub ee maanta loo magacaabay ciidanka Villa Somalia Ibraahim Sheekh muxyaddiin ayaa horey u soo noqday madaxa Baratakoolka ee Dowladdii Sheekh Shariif Sheekh Axmed inkastoo markii dambe Madaxweynihii…

Read More

Madaxweyne Farmaajo iyo Kenyata oo kulmay (Warbixin dhameystiran+sawir)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) oo booqasho rasmi ah kujooga dalka Kenya kagana qeybgalaya halkaasi labo shir oo muhim u ah Soomaaliya ayaa waxa uu la kulmay madaxweynaha dalkaasi Uhuru Kenyata. Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata ayaa si diiran ugu soo dhaweeyay Aqalka Madaxtooyada Nairobi si aad u wanaagsan, waxaana salaan sharaf uu ka qaatay ciidanka Kenya, kadib waxaa kulan albaabada u xiran ku yeeshay halkaasi labada madaxweyne. Kulankooda kadib shir jaraa’id ayay si toos ah u wada qabteen waxaana ay ku faah faahiyeen waxyaabihii ay kaga hadleen,…

Read More

Amb. Jamaal “Madaxweyne Farmaajo 2shir ayuu uga qeybgalayaa Nairobi”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Nairobi si diiranna halkaasi loogu soo dhaweeyay ayaa faah faahin laga bixiyay ujeedka safarkiisa. Safiirka Dowladda Soomaaliya ee Kenya Jamaal Maxamed Xasan oo dhowaan loo magacaabay Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga Soomaaliya ayaa sheegay ujeedka uu Madaxweynaha Soomaaliya uu Kenya ku tagay in ay tahay ka qeyb galka shirka maanta ka furmaya Magaalada Nairobi, ayna rajeynayaan in guul uu ku soo dhamaado. Safiirka ayaa Sidoo kale sheegay in Madaxweyne Farmaajo ka qeyb geli doono Shir-madaxeedka Urur Goboleedka…

Read More

Madaxweyne Farmaajo maka dhabeyn doonaa ballanqaadkii uu sameeyay?

Jagadii madaxtinimada Soomaaliya ee tartanka loogu jiray ayaa waxa ku guulaystay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo loo doortay inuu noqdo madaxweynaha afarta sannadood ee soo socda dalka hogaamin doona. Farmaajo wuxu hore u soo qabtay jagada Ra’isal wasaarenimo waxaanu haystaa dhalashada dalka Maraykanka. Madaxweynaha la doortay waxa horyaalla hawlo badan, isaguna intii uu ku jiray ololaha doorashada wuxu sheegay in uu damacsanyahay in uu dalka ka hirgeliyo isbeddel siyaasadeed iyo mid maamul labadaba. Khudbadii uu ugu soo badhigay golaha baarlamanka oo socotay muddo nusu-saace ku dhaw, ayaa Farmaajo wuxu kaga hadlay…

Read More

Waa kuma madaxweyne Farmaajo?

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa loo doortay madaxweyne ka dib markii Xasan Sheekh uu qirtay guul darro markii uu dhammaaday wareegii labaad ee codbixinta. Haddba waa kuma Farmaajo? Maxamed Cabdullaahi Farmajo waxa uu ku dhashay Caasimada Muqdisho sanadkii 1962-dii. Waxa uu dugsiga dhexe uga baxay iskuulka 1-da Luuliyo, kan sarena wuxuu ku qaatay dugsigii farsamada gacanta ee Lafoole. Faramaajo waa aqoonyahan Soomaaliyeed oo muddo dheer deganaa magaalada New York ee dalkan Maraykanka. Wuxuu inta badan noloshiisa ku soo qaatay qurbaha, gaar ahaan dalka Maraykanka. Farmaajo waa…

Read More