Waqtigii la dooran lahaa Madaxweynaha Galmudug oo la isku afgartay

Xildhibaannada Baarlamaanka Maamul Goboleedka Galmudug ayaa waxa ay maanta kulan kuyeesheen xaruntooda kumeel gaarka ah ee magaalada cadaado si ay uga shiraan xilliga doorashada madaxweynaha. Kulanka oo saakay furmay ayaa buuq ku bilowday kadib markii ay isku fahmi waayeen xildhibaannada xilliga laga dhigayo doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo Madaxweynahoodii hore C/kariim Xuseen Guuleed arimo caafimaad dartii isku casilay. Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa ugu dambeyn ku heshiiyay Doorashada Madaxweynaha Galmudug in la qabto 10-ka Bisha April ee sanadkan 2017 inkastoo buuq uu ka dhacay kulankii baarlamaanka. Guddoomiyaha Barlamaanka Maamulka Galmudug…

Read More