Baarlamaanka Soomaaliya oo 224cod ku ansixiyay Xukuumadda Kheyre (Warbixin Dhameystiran)

Kulankii Golaha Shacabka oo maanta lagu balansanaa ayaa furmay kaasi oo uu horyaalay ajeendooyin dhawr ah, waxaana kulanka lagu furay xildhibaano gaaraya 224 oo maanta soo wada xaadiray. Shirka Baarlamaanka markii la furay kadib waxaa hadlay Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad wuxuuna xusay in iyaga oo ah 10xildhibaan ay soo jeedinayaan ajendaha in lagu soo daro xukuumadda in maanta cod loo qaado, arintaasi waxaa kahor yimid xildhibaannada qaar halka kuwa kalena ay taageereen, ugu dambeyntii waxaa la isku raacay in codka loo qaado. Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo Xarunta Golaha…

Read More

Ra’iisal wasaare Kheyre oo maanta Baarlamaanka horgeynaya Xukuumadda uu soo dhisay

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta lagu wadaa in uu Baarlamaanka Soomaaliya horgeeyo Golihiisa wasiirada ee dhowaan uu soo dhisay. Baarlamaanka ayuu ka codsan doonaa in codka kalsoonida ay siiyaan xukuumaddan isla markaasina hawshooda lagula xisaabtamo kadib marka ay hawl bilaabaan. Saakay ayaa waxaa la xiray waddooyinkii la xiri jiray marka kulanka baarlamaanka uu jiro waxaana lagu wadaa in saakay Baarlamaanka uu kulmaan kadibna codka kalsoonida loo qaado. Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ka muuqata kalsooni badan waxaase laga warsugayaa baarlamaanka waxa ay xukuumaddiisa kala…

Read More

Waqtigii la dooran lahaa Madaxweynaha Galmudug oo la isku afgartay

Xildhibaannada Baarlamaanka Maamul Goboleedka Galmudug ayaa waxa ay maanta kulan kuyeesheen xaruntooda kumeel gaarka ah ee magaalada cadaado si ay uga shiraan xilliga doorashada madaxweynaha. Kulanka oo saakay furmay ayaa buuq ku bilowday kadib markii ay isku fahmi waayeen xildhibaannada xilliga laga dhigayo doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo Madaxweynahoodii hore C/kariim Xuseen Guuleed arimo caafimaad dartii isku casilay. Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa ugu dambeyn ku heshiiyay Doorashada Madaxweynaha Galmudug in la qabto 10-ka Bisha April ee sanadkan 2017 inkastoo buuq uu ka dhacay kulankii baarlamaanka. Guddoomiyaha Barlamaanka Maamulka Galmudug…

Read More

Kulanka Baarlamaanka oo kooram la’aan u qabsoomi waayay

Kulan ay Baarlamaanka Soomaaliya maanta ku yeelan lahaayeen xaruntooda Magaalada Muqdisho ayaan qabsoomin kadib markii kooramka ama tirada uu ku furmayo kalfadhiga baarlamaanka uu soo dhameystirmi waayay. Kulankan oo horey xildhbaanada loogu wargeliyay in saxaafaddu aysan kasoo qeybgeli doonin ayaa saakay markii xildhibaannada qaar ay soo xaadireen oo cabaar ay isasugeen ayaa lagu wargeliyay in kulanka uusan qabsoomi karin maadaama la waayay tiradii kooramka aheyd ee fadhiga baarlamaanka uu ku furmi lahaa. Ujeedka kulankan ayaa ahaa in lala xisaabtamo guddoonka baarlamaanka oo lagu soo eedeeyay in ay faragelin ku hayaan…

Read More