Ciidamada Itoobiya iyo Alshabaab oo ku dagaalamay Gobolka Galgaduud

Dagaal qaraar ayaa lagu soo waramayaa in Gobolka Galgaduud u si kedis ah ugu dhex maray ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa katirsan xarakada Alshabaab. Dagaalkan ayaa ku bilowday kadib markii Alshabaab ay weerar kusoo qaadeen Ciidamo Itoobiyaan ah, waxayna wararku sheegayaan in ay kasoo baxeen itoobiyaanka Dhuusa mareeb kuna sii jeedeen Ceelbuur. Xarakada Alshabaab ayaa adeegsanayay hub culus halka markii dame Ciidamada Itoobiya ay iyaguna adeegsadeen madaafiic culus sida dadka deegaanka ay soo sheegayaan, waxaana uu dhaliyay dagaalkan khasaare nafeed oo labada dhinac soo gaaray. Sidoo kale dadka deegaanka ayaa…

Read More

Wasaaradda Gaashaandhiga Kenya oo sheegatay in ay 31dagaal yahan ka dishay Alshabaab (Document)

Ciidamada Kenya ayaa sheeganaya in ay Xarakada Alshabaab ka dileen 31dagaal  yahan sidoo kale ay ka qabsadeen hub fara badan oo miinooyin ay kujiraan. War kasoo baxay Wasaaradda Difaaca Kenya ayaa lagu sheegay arintan weerar ay qaadeen Ciidamada Kenya 26-ka bishan kaasi oo ay ku qaadeen degmada Badhaadhe oo katirsan Maamul Goboleedka Jubbaland. Sarkaal u hadlay ciidamada Difaaca dalka Kenya oo lagu magacaabo colonel Joseph Owuoth, ayaa warka ay soo saareen ku sheegay diyaarado Helicopter ah oo ay leeyihiin ciidamada Kenya inay duqeeyeen Saldhig Shabaab ay ku sugnaayeen oo 17-KM…

Read More

Ahlu sunna oo sheegtay in ay Hub ka qabsadeen Alshabaab

Saraakiisha dhinaca Ciidamada ee ururka Ahlu sunna maamulana qeybo kamid ah Gobollada dhexe ee dalka ayaa sheegaya in hub ay kasoo qabsadeen Xarakada Alshabaab. Hawlgal ay ka sameeyeen deegaanka ceelgaras oo katirsan Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayay sheegeen in hubkaasi ay kasoo qabteen. Taliye ku xigeenka ciidanka Ahlusunna ee gobolada Dhexe Cabdinuur Maxamed Xuseen oo warbaahinta Muqdisho la hadlay ayaa sheegay howlgal ay fuliyeen ciidanka Ahlusunna in ay kusoo furteen hub ay leeyihiin Xarakada Al-Shabaab. Sarkaalkan ayaa sheegay in hubkan uu ahaa mid ay dhulka ku duugeen Al-Shabaab iyaguna…

Read More

Mareykanka oo doonaya in dagaal toos ah uu kula galo dalka Xarakada Alshabaab

Ciidamada Mareykanka ee kusugan qeybo kamid ah Afrika gaar ahaan Soomaaliya ayaa dagaal waxa ay kula jiraan Xarakada Alshabaab, waxaana dagaaladooda ay xilligan ku kooban yihiin Duqeymo iyo arimo sirdoon. Qorshaha ay iminka doonayaan Ciidamada mareykanka ahaa ah in ay si toos ah uga dagaalamaan meelo ay Soomaaliya kamid tahay oo aysan ku koobnaan duqeymaha iyo waxa lamidka ah, waxaana arintaasi ay ka gudbiyeen codsi. Taliyaha Taliska Maraykanka Africa ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa in la siiyo awood dheeraad ah si ay dagaal toos ah ugu qaadaan dagaalyahanada xarakada…

Read More

Madaxweyne Shariif Xasan “Amisom waa in ay bilowdaa la dagaallanka Alshabaab”

Madaxweynaha Maamulka Goboleedka Koonfur-galbeed Soomaaliya ayaa ka hadlay dhibaatada dalka ka taagan gaar ahaan Gobolada uu kataliyo, wuxuuna xusay in dhibaatooyinka ay sii kordhayaan. Abaaraha mar uu ka hadlaya ayuu xusay in dhibaatada ay aad u sii korortay wuxuuna ugu baaqay hey’adaha samafalka in si deg deg ah ay ugu hawlgalaan sidii dadka abaaruhu saameeyeen wax loogu qaban lahaa. Dhinaca kale waxa uu ka hadlay Shariif Xasan Arrimaha ammaanka isaga oo xusay in deg deg wax looga qabanayo, wadooyinka xir xiran ayuu sheegay in dhibaato ay ku qabaan shacabka Koonfur…

Read More

Xarakada Alshabaab oo Xalay weeraray degmada Baraawe.

Xarakada Alshabaab ayaa habeenimadii xalay waxa ay weerareen saldhig ay Ciidamada dowladda kuleeyihiin Degmada Baraawe ee Caasimadda Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed. Weerarka oo laga soo qaaday dhinaca xeebta iyo dhinacyo kale ayaa Ciidamada dowladda waxaa lagu soo waramayaa in ay iska caabin sameeyeen inkastoo dagaalka lasoo sheegayo in uu ahaa mid mudd socday. Dadka Deegaanka ayaa u sheegay Muqdishoonline.com in dagaalka uu socday kudhawaad hal saac oo rasaas la maqlayay, waxaana uu u muuqday mid qorsheysan oo ladoonayay in degmadaasi lagu qabsado. Dadka deegaanka sidoo kale waxa ay sheegayaan in…

Read More

Waraaqo Digniin ah kuna socota Shirkadaha adeega Internetka bixiya oo Bakaaro lagu daadiyay

Wararka aanu ka heleyno Suuqa Bakaara ayaa sheegaya in maanta Suuqaasi lagu daadiyay waraaqo ku xardhan Astaanta Xarakada Alshabaab kaasi oo ku qornaa digniin  kuna socotay Shirkadaha Isgaarsiinta gaar ahaan kuwooda bixiya Adeega Internetka ee Simcark-ka lagu dhex isticmaalo. Waraaqahan oo lagu daadiyay qeybaha laamiga Suuqa Bakaaro ayaa waxaa lagu soo qoray in Shirkadaha Isgaarsiinta looga digayo in ay bixiyaan adeega Internetka ee Sim-cardka uu wato iyadoo shirkadaha hadda bilaabay shaqadaasi lagu amray in ay joojiyaan adeegaasi. Xarakada Alshabaab oo Astaanteedu ku sawiran yahay warqaddan ayaanan weli ka hadlin, sidoo…

Read More

Xarakada Alshabaab oo cadaadiska ka qaaday dadka ay abaaruhu dhibaateeyeen

Xuquuqda sawirka Reuters

Soomaaliya oo wajaheysa dhibaato abaareed tii ugu darneed ayaa waxaa goobaha ugu daran ee abaaruhu ay saameynta xoogan ku yeesheen maamula Xarakada Alshabaab kuwaasi oo lagu eedeeyay in aysan ogoleyn dadka dhiban in wax la gaarsiiyo. Xarakada Alshabaab ayaa lagu soo waramayaa in dadka dhibaatada abaartu ay saameysay ee deegaannada ay maamulaan ku sugnaa in ay soo fasaxeen kuna wargeliyeen in meelaha ay quutka ka heli karaan in ay ka doontaan. Arintan oo barakaceyaal badan ay soo dhaweeyeen ayaa durba la arkayaa iyaga oo deegaanadooda kasoo baxaya kuna soo wajahan…

Read More