Dowladda Urdun oo 20tan deeq ah u soo dirtay Soomaaliya

Hey’adda Kheyriga ah ee Alhaashimiya oo kaashaneysa Ciidamada Xoogga dalka Urdun ayaa diyaariyay deeq ay ugu talagaleen Shacabka Soomaaliyeed oo dhibaato abaar tii ugu xumeyd ku habsatay sanadkan. Diyaarad ay leeyihiin Ciidanka Xoogga dalka Jordan ayaa laga soo buuxiyay 20tan oo deeq ah, waxaana ay u soo direen dhanka Soomaaliya kadib markii uu amray Boqorka dalka Jordan Boqor Cabdallaha labaad. Diyaaraddan ayaa waxaa soo raacaya wafdi ka socda dowladda Urdun, waxaana ay ku wareejin doonaan marka ay Muqdisho soo gaaraan Guddiga gurmadka abaaraha oo dowladda Soomaaliya arrimahan ay u wakiilatay.…

Read More

Maamulka Gobolka Banaadir oo lagu eedeeyay wixii barakaceyaasha loogu dhiibay in raadkoodu aan muuqan.

Dalka Soomaaliya oo ay kajirto xaalad abaareed oo aad u daran ayaa dadkii dhibaatada soo gaartay waxa ay u soo carareen Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo ay rajo weyn ka qabaan in wax loogu qabanayo. Hadaba Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo kamid ah Guddiga gurmadka abaaraha ayaa sheegay in dhibaatada heysata shacabka Soomaaliyeed uu yahay imtixaan lakin ay ilaaheey ka baryayaan in uu u soo gargaaro umadda. Waxa uu xusay in amaanadii shacabka ay u soo dhiibeen ay si wanaagsan u gaarsiiyeen dadkii loogu talagalay hayeeshee waxa uu dhaliil u…

Read More

ICRC oo ku baaqday in lacago dheeraad ah la helo si abaaraha wax looga qabto.

Xaaladda abaareed ee Soomaaliya ayaa kasii dareysa iyadoo gargaarkii loo baahnaa weli sida muuqata aanan la gaarsiin goobaha loogu talagalay ee macluusha badan ay kajirto. Hadaba Hay’adda Laanqeerta Cas ee Caalamiga (ICRC) oo Abaaraha Soomaaliya warbixin ka diyaarisay ayaa soo jeedisay in la helo 400 Million oo Dollar, waxaana ay sheegtay in dhaqaalahaasi ladoonayo in lagu caawiyo dadka dhibaatada abaaraha ay aadka u dhibaateeyeen. Dalalkan dhibaatada abaaraha laga soo sheegayo oo kala ah Soomaaliya, Yemen, South Sudan iyo Nigeria ayay sheegtay hey’adda in haddii aanan lala gaarin gargaarka sida ugu…

Read More

Xarakada Alshabaab oo cadaadiska ka qaaday dadka ay abaaruhu dhibaateeyeen

Xuquuqda sawirka Reuters

Soomaaliya oo wajaheysa dhibaato abaareed tii ugu darneed ayaa waxaa goobaha ugu daran ee abaaruhu ay saameynta xoogan ku yeesheen maamula Xarakada Alshabaab kuwaasi oo lagu eedeeyay in aysan ogoleyn dadka dhiban in wax la gaarsiiyo. Xarakada Alshabaab ayaa lagu soo waramayaa in dadka dhibaatada abaartu ay saameysay ee deegaannada ay maamulaan ku sugnaa in ay soo fasaxeen kuna wargeliyeen in meelaha ay quutka ka heli karaan in ay ka doontaan. Arintan oo barakaceyaal badan ay soo dhaweeyeen ayaa durba la arkayaa iyaga oo deegaanadooda kasoo baxaya kuna soo wajahan…

Read More