Safaaradda Itoobiya oo lagu amray inay ka guurto Madaxtooyada (Wargelin dowladda u dirtay Safaaradaha)

Dowladda Soomaaliya ayaa amarkii ugu weynaa kasoo saartay safaaradaha ajanbiga ah ee degan Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Madaxtooyada. Qoraal ay dowladda u kala dirtay safaaradaha degan labadaas xarumood ayaa lagu wargeliyay Safaaradaha degan Garoonka diyaaradaha iyo Madaxtooyada inay halkaasi ka guuraan sida ugu dhaqsiyaha badan. Waxaa loo sheegay safaaradahaasi inay ku shaqeeyaan xarumahoodii hore ee ay dalka ku lahaayeen waqtigii hore, arrintan oo in muddo ah la sugayay ayaa ku soo beegantay xilli xasaasi ah, waxayna saameyn ku yeelan doontaa safaaraddo fara badan. Safaaradaha amarkan saameynta ku yeeshay ee ku…

Read More

Mareykanka oo aan beegsan Saldhiga Al-Shabaab ee Ceel Cadde

Taliska Ciidanka Maraykanka ka joogga Qaaradda Afrika ayaa War kasoo saaray duqeyn 14 Bishaan ka dhacday degaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo, halkaasi la sheegay in lagu dilay dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-Shabaab. Duqeyntaasi ayaa Qaar ka mid ah Warbaahinta waxa ay sheegeen in lala beegsaday Fariisin Al-Shabaab ay ku leeyihiin degaan ku dhow Ceelcadde oo lagu magacaabo Yurkud. Waxaana  Warbaahinta Caalamka ay sheegeen in ay fuliyeen Ciidamo Mareykan ah. Haddaba War kasoo baxay Ciidamada dowladda Mareykanka ee ku sugan Qaaradda Afrika ayaa lagu sheegay in aysan jirin howlgal ay ka…

Read More

Xog cusub: Muranka ka taagan xil wareejinta maareyaha garoonka Muqdisho

Wararka aan ka heleyno Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weli uu muran ka dhex aloosan yahay Maareeyihii xilka laga qaaday iyo Maareeyaha cusub ee la magacaabay 06 April 2017. Maareeyihii Garoonka Aadan Cadde, Aadan Cabdi Ashkir, ayaa diidan xil ka qaadis uu ku sameeyay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia, waxa uuna wali ku doodayaa in xilka looga qaadi karo keliya Digreeto kasoo baxda Xafiiska Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo. Aadan Cabdi Ashkir, ayaa ku doodaaya in xil ka qaadista uu Ra’isul wasaare Kheyre ku sameeyay 06 April…

Read More

Xog cusub: Waa kuma guddoomiyaha shirka London ee DF Somalia?

Dowladda Soomaaliya ayaa ku jirto qaban qaabadii ugu dambeysay oo loogu diyaar garoobayo shirka London ka furmayo ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya. Haddaba Muqdisho Online ayaa heshay xog ku saabsan cidda ay dowladda Soomaaliya u magacawday Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka London ee dhinaca dowladda Soomaaliya. C/raxmaan Yuusuf Cali Caynte ayaa loo magacaabay guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka London sida aan ku helnay xogta aan ka helnay Villa Soomaaliya. Shirka London ayaa la filayaa inuu dhawaan ka furmo Magaalada London, waxaana looga hadli doono arrimo ku aadan Soomaaliya, xag amni,…

Read More

Xuska Maalinta Dhir beerista Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho(SAWIRRO)

Munaasabad kooban oo lagu xusayay Maalinta Dhir beerista Qaranka ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Xanaanada  Xoolaha dhirta iyo daaqa, waxaana ka soo qeyb galay wasiir ku xigeenka wasaaradda xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa Agaasimaha guud ee wasaarada iyo Agaasime waaxeedyada. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo daaqa ee Dowladda Soomaaliya Xildhibaan C/kariin Khaliif Dalac oo munaasabadda ka hadlay ayaa ugu baaqay umadda Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan ololaha dhir beerista soomaaliyeed ,wuxuuna sheegay in qof walba looga baahanyahay in gurigiisa uu dhir ku beero. Sanad walba laga…

Read More

AKHRISO: Qodobadii kasoo baxay Shirkii Madaxtooyadda ” Sawirro”

Madaxda Dawladda Federaalka iyo kuwa Dowlado Goboleedyada ayaa kulan wadatashi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho intii u dhaxeysay Abriil 15-16, 2017. Waxaa kulanka shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana ka soo qayb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug, ahna Kusimaha Madaxweynaha Mudane…

Read More

Sarkaal katirsan Madaxtooyada oo la dilay iyo kuwii dilay oo la qabtay

Ciidamada Amniga ayaa Caawa Degmada Xamar-jajab ee Gobolka Banaadir ku qabtay Labo Nin oo Bastoolado ku Hubeysnaa iyo Gaari ay wateen,kuwaasi oo Nin ku dilay Buundada Ansalooti Ee Degmada Xamar-jajab Hoosteeda.   Guddoomiyaha Degmada Xamar-jajab Axmed Cusmaan Dhoorre oo warbaahinta Muqdisho la hadlay waxa uu sheegay in Ciidamada Ammaanka ay Gacanta ku dhigeen Gacan ku dhiigleyaasha Dilka Caawa ka geystay Degmada oo Bastoolado watay iyo sidoo kale Gaari ay wateen haddana ay ku jiraan Gacanta Ciidamada Amniga.   Wararka ayaa intaas ku daraya in Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya oo…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Shiinaha + SAWIRO

Madaxwaynaha dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa maanta warqaddaha aqoonsiga safiirnimo ka gudoomay Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiisan doonna Soomaaliya. Mudane Qin Jian ayaa dhowaan dowladda Shiinaha u soo magacowday Danjiraheeda Soomaaliya, iyadoo labada dolwadood uu ka dhaxeeyo cilaaqaad wanaagsan. Please follow and like us:0

Read More

WARBIXIN & SAWIRO: Shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada

Shirkii dowladda federaalka iyo maamulada xubnaha ka ah, oo ka socday magaaladda Muqdisho ayaa arirmo muhiim ah looga hadlay. Arrmaha ugu muhiimsan ee lagaga hadlayay maanta waxaa kamid ahaa Xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee dowladda federaalka iyo Maamul Goboleedyada, xasilinta amniga dalka iyo shirka London oo dhawaan la filayo in uu ka dhaco dalka Ingiriiska oo looga hadalayo horumarinta iyo taageeridda Soomaaliya. Madaxwayne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo ayaa shirk furay, waxaana kadib guddoomiyay guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari). Madaxweyne Farmaajo ayaa furitaankii shirka ka sheegay in looa…

Read More

Maamulka Puntland oo amar ku bixiyay in la xiro xubnaha Ururka As-saadicuun Bilxaq

Maamul Goboleedka Puntland ayaa soo saaray amar lagu xirayo xubnaha ka tirsan urur diimeedka cusub ee la baxay As-saadicuun Bilxaq. Shir ka dhacay magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa la faray laamaha ammaanka inay soo xiraan shakhsiyaadka iyo xarumaha taageeray ururkaasi. Maamulka Gobolka Nugaal, maxkamadda ciidamada qalabka sida, taliska ciidamada la dagaalanka argagixisada iyo taliyayaasha qaybaha ee gobolka nugaal ayaa kulankankaasi ka qeyb galay, iyagoo sheegay inay fulinayaan amarkan. Dhammaan xubnaha is shaaciyay ee ururka As-saadicuun Bilxaq ee ku sugan degaanada Puntland ayaa dhuumasho ku jira, waxaana ku raad…

Read More