Madaxweyne Farmaajo maka dhabeyn doonaa ballanqaadkii uu sameeyay?

Jagadii madaxtinimada Soomaaliya ee tartanka loogu jiray ayaa waxa ku guulaystay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo loo doortay inuu noqdo madaxweynaha afarta sannadood ee soo socda dalka hogaamin doona. Farmaajo wuxu hore u soo qabtay jagada Ra’isal wasaarenimo waxaanu haystaa dhalashada dalka Maraykanka. Madaxweynaha la doortay waxa horyaalla hawlo badan, isaguna intii uu ku jiray ololaha doorashada wuxu sheegay in uu damacsanyahay in uu dalka ka hirgeliyo isbeddel siyaasadeed iyo mid maamul labadaba. Khudbadii uu ugu soo badhigay golaha baarlamanka oo socotay muddo nusu-saace ku dhaw, ayaa Farmaajo wuxu kaga hadlay…

Read More

Waa kuma madaxweyne Farmaajo?

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa loo doortay madaxweyne ka dib markii Xasan Sheekh uu qirtay guul darro markii uu dhammaaday wareegii labaad ee codbixinta. Haddba waa kuma Farmaajo? Maxamed Cabdullaahi Farmajo waxa uu ku dhashay Caasimada Muqdisho sanadkii 1962-dii. Waxa uu dugsiga dhexe uga baxay iskuulka 1-da Luuliyo, kan sarena wuxuu ku qaatay dugsigii farsamada gacanta ee Lafoole. Faramaajo waa aqoonyahan Soomaaliyeed oo muddo dheer deganaa magaalada New York ee dalkan Maraykanka. Wuxuu inta badan noloshiisa ku soo qaatay qurbaha, gaar ahaan dalka Maraykanka. Farmaajo waa…

Read More

Wasiir Nuux oo dib ugu guuleystay Kursiga Xildhibaannimo ee Beeshiisa

iyadoo weli ay soconeyso dib ugu noqoshada illaa 5kursi oo la sheegay in waajib ay tahay doorashadii kuraastaasi in dib loogu laabto ayaa waxaa maanta lagu tartamay mid kamid ah kuraastaasi lagu celinayay. Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed C/laahi Xasan Nuux ayaa markale maanta ku guuleystay kursiga beesha Jiidle ee golaha shacabka, waxaana ay ka dhacday doorashadan magaalada Muqdisho. Kursigan oo horey loogu doortay maamulka Hirshabelle ayaa maanta waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana sabab u ahaa in lagu celiyo kadib markii dood dheer iyo dacwad…

Read More

Musharrax Eng.C/llaahi Cali Xasan oo tanaasulay

Musharax Eng.C/llaahi Cali Xasan oo kamid ahaa musharaxiinta u taagan xilka Madaxweyne nimo ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in uu musharrax nimadiisa iskaga baxay. Musharraxan oo bartiisa Facebook-ga uu soo dhigay arintan ayaa waxa uu kusoo qoray war saxaafadeed, wuxuuna u qornaa sida tan :-   WAR SAXAAFADEED UJEEDO: KA TANAASULID MUSHARAXNIMADA JAGADA MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA. BISMILLAHI RAXMAANI RAXIIM: Aniga oo ah Eng. Cabdullaahi Cali Xasan waxaan Go’aan ku gaaray in aan ka tanaasulo u tartanka jagada Madaxweynimo ee Soomaaliya maanta oo taariikhdu tahay 04.02.2017, tanaaulkeyga musharaxnimada Madaxweynaha wiuxuu ku saleysanyahay…

Read More