Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kormeeray xarumaha dowladda Hoose ee Xamar ( Sawirro )

Guddoomiyaha  Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Taabit Cabdi Maxamed oo ay wehliyaan Guddoomiyihii hore ee Gobalka Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale, qaar ka mid ah guddoomiye ku-xigeennada gobolka iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta kormeer howleed ku tegay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar iyo qeybaheeda kala duwan ay ka kooabantahay, Xarunta gaadiidka dabdamiska, Xarunta Taliska Ciidanka ilaalada Deegaanka Xamar, Xarunta lagu sameeyo Kaarka aqoonsiga iyo Warqadda  dhalashada  ee Dowladda Hoose ee Xamar iyo sidoo kale Xarunta gaadidka Bisha cas iyo Warshadda soo saarta qalabka dhismaha. Guddoomiyaha cusub ee Gobalka…

Read More

Taliyeyaal Boolis oo horey u wax qabad la’aan lagu eedeeyay oo dib loo magacaabay

Taliyaha cusub ee Booliska Soomaliya Gen. C/xakiin Daahir Saciid (Saacid) ayaa xilalkii ka qaaday taliyeyaal ka tirsanaa ciidamada Booliska, isagoo magacaabay kuwo cusub. Taliyihii Booliska Gobolka Banaadir Col. Bishaar Abshir Geeddi ayaa xilka laga xayuubiyay, waxaana xilkaasi loo magacaabay Jen. Axmed Xasan Maalin oo hore usoo qabtay xilkan in muddo ahna soo hayay loogana qaaday xilka wax qabad la’aan. Dhinaca kale Jen. Maxamed Cumar Madaale ayaa loo magacaabay madaxa Hoggaanka Howlaha ciidanka Booliska, wuxuuna hore u soo noqday taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, waxaana la sheegay in isbedello hor leh lagu…

Read More

Mareykanka oo ciidamo gaar ah keenay Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa Ciidamo u soo dirtay Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen warbaahinta gudaha ee dalka Mareykanka. Saraakiil Maryakan ah ayaa sheegay in Ciidamo Maraykanka loo soo diray Magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya si ay tababar u siiyaan Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM. Ujeedka Ciidankan loo soo diray ayaa ah sidii ay u xoojin lahaayeen Tababarada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM, oo Dagaal adag kula jira Shabaab. Tiro kooban oo Ciidamo ah ayaa 2-dii bishan waxa ay ka soo degeen magaalada Muqdisho, waxaana…

Read More

Muqdisho oo xaalad adag wajaheysa (Nabad doon Doongaale oo la dilay)

Magaalada Muqdisho waxa ay martineysaa maalmahan dambe dilal qorsheysan, dhac, qaraxyo iyo falal kale oo amni xumo ah. Arimahan ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda ay ku hawlan tahay isbadal sameyn dhinaca maamulada dalka kajira, waxaana la moodaa in kooxaha kasoo horjeeda dowladda ay fursadaasi ka faa’ideysanayaan oo ay rabshadaha sii hurinayaan. Xalay ayaa ugu dambeeyay, Muqdisho waxaa fal dil ah loogu geystay Nabad doon caan ahaa, Isgoyska Laba-dhagax ee degmada Wardhiigley ayuu ka dhacay dilka, waxaana lagu soo waramayaa in ay baxsadeen dableydii falka dilka toogashada ah geysatay. Nabadonka la…

Read More

Qodobadii kasoo baxay Shirkii Golaha Wasiirada (aqriso warka xafiiska ra’iisal wasaaraha laga soo saaray)

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Qorshaha Amniga Qaranka, Abaaraha, iyo dar-dargelinta howlaha dowladda. Ugu horeyn Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in golaha looga fadhiyo dardargelinta amniga, nabadeynta iyo xasilinta dalka si muwaadin walba uu ugu noolaado si nabad ah si uu uga qeybqaato dardargelinta horumarka dalka. Wasiirada amniga ayaa warbixinno laga dhageystay ka dibna ay soo bandhigeen Qorshaha Amniga Qaranka oo dhowaan ka bilaaban doona…

Read More

Guddoomiyaha magacaaban ee Gobolka Banaadir oo Muqdisho si diiran loogu soo dhaweeyay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee magacaaban ahna Duqa Muqdisho Thaabin Cabdi Maxamed oo kasoo laabtay dalka mareykanka ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho. Guddoomiye Thaabit ayaa mareykanka ka yimid isaga oo halkaasi isaga soo wareejiyay xafiiskii safiir kuxigeenka mareykanka, waxaana kusoo dhaweeyay magaalada Muqdisho Xildhibaano katirsan Baarlaamaanka Soomaaliya, Guddoomiye kuxigeennada Gobolka iyo qaar kamid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeyaan Maamulka Gobolka Banaadir si loo Xasiliyo Ammaanka Gobolka Banaadir. Sidoo kale waxa uu si aad ah ugu…

Read More

Mudaaharaad looga cabanayo Sicir barar kajira deegaannada Somaliland oo Hargeysa ka dhacay

Dibad bax ay soo abaabuleen ganacsatada iyo dadka rayidka ah ee kunool deegaannada Somaliland ayna kaga cabanayeen sicir barar ayaa maanta ka dhacay Magaalada Hargeysa. Dibadbax ayaa waxaa wariyeyaasha ka hawlgala Hargeysa ay isku dayeen in ay soo tabiyaan, waxaana durba soo gaaray halkaasi ciidamo katirsan maamulka Somaliland oo dadkii kala eryay wariyeyaashiina xiray. Saacado oo ay xirnaayeen dad shacab ah iyo wariyeyaal ayaa lagu soo waramayaa in lasii daayay, waxaana lagu wargeliyay in aysan ka hadli karin arimahan sicir bararka, waxaana ganacsatada qaarkood loogu hanjabay in aysan ka hadli…

Read More

Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabkasida ayaa xukun ku riday labo eedeysane.

Kiiskii loo heystay eedeysanayaal laga soo qabtay Godinlabe ayey maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida xukun kasoo saartay, waxaana xukunka maxkamadda ku dhawaaqay gudoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute…. Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida waxay u fariisatay dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Eedaysanayaasha kala ah:- 1- Maxamed Cali Kadiye ina Nuuro Wehliye 32jir ah ku dhashay Galgaduud. 2- Xuseen Xaashi C/laahi ina Maryan Max’ed 27jir ah ku dhashay Galgaduud. , kuwaas oo xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida kusoo eedeeysay Dembiyaga ah ka mid…

Read More

Warbixin ku saabsan Xafladdii 12-ka April iyo sida ay u dhacday

Munaasabadan oo loogu dabaal degayay xuska 57 guurada ka soo wareegtay aas aaska ciidanka xoogga dalka Somaaliyeed oo ku beegan 12-ka April, laguna qabtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Ra’iisul wasaaraha, Wasiirka Difaaca, Wasiiro, Xildhibaanno, Taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida, Diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale oo xafladda lagu casuumay.  Ciidammada Xoogga qeybahooda kala duwan ayaa waxa ay goobta ku soo bandhigeen gaaddo ka cayar, iyagoo watay gaadiidka gadaalka, waxaana dusha sare ka eeganayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Taliyaha guud ee ciidammada Qalabka sida, oo  ay wehliyaan Ra’iisul…

Read More

Jaamacadda carabta oo sheegtay in ay taageersan yihiin dagaalkii uu Farmaajo ku dhawaaqay

Soomaaliya oo lawada ogsoon yahay xaaladaha amni ee aadka u dhibka badan ee ay kujirto ayaa dhowaan madaxweyne Farmaajo waxa uu ku dhawaaqay xaalad kale oo dagaal in dalku galayo. Ururka Jaamacadda Carabta ayaa si kulul uga hadlay Falalka Amni daradda ah ee maalmihii lasoo dhaafay ka dhacaayay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Ahmed Abul-Gheit ayaa sheegay in ay tahay wax laga Argagaxo Qaraxyadii Muqdisho ka dhacayay Maalmihii lasoo dhaafay, wuxuuna tacsi u diray dadkii ay Waxyeelo kasoo gaartay Qaraxii lala eegtay taliyaha Ciidamada…

Read More