Anaga – Nagu Saabsan

MUQDISHO ONLINE

Muqdisho Online, Waxa uu ka dhashay baahi loo qabo inay Saxaafadda Soomaaliyeed ka gudubto heerka dhacdo tebinta ah oo keliya taasoo ay ku hawlgaleysay inkabadan 25sano, Waxaana himilada la hiigsanayo ay tahay in la helo Warbaahin horumarsan oo la jaan qaadi karta kuwa Caalamka isla markaana ay ka shaqeeyaan aqoon yahanno aqoon iyo khibrad u leh Saxaafadda.

Warbaahinta waxaa lagu tilmaami jiray awooda afaraad ee Adduunka, laakiin waxaa la isku raacsan yahay in xilliyadan dambe ay heerkaasiba ka soo gudubtay oo ay gaarsiisan tahay awoodda Koowaad ama Labaad ee dal leh maamul iyo kala dambeyn.

Waxtarka iyo awoodda Saxaafadda waxaa mugdi geliyay ku koobnaanta soo gudbinta warar maalmeed, Wareysiyo, Dhacdooyin iyo barnaamijyo aan wada laheyn ujeed, taasina waxay keentay in mihnaddii Saxaafadda iyo fahamkeeda uu ciriiri galo.

Warbaahinta waxaa loogu talagalay in dadka ay u soo gudbiso wixii dhacdo ah sidoo kale ay barto xuquuqda qofka uu leeyahay iyo tan lagu leeyahay, sidaasi daraadeed waxa laga sugayo warbaahin ma xaqiiqoobeyso ilaa laga helo Saxaafad dhameystiran oo mihnad ahaan, shaqo ahaan, tayo ahaan iyo tiro ahaanba miisaaman, isla markaana heli karta xogta ay u baahan tahay si loogu soo hirto.

MUQDISHOONLINE.COM – hal­heyska ay ku gawlgaleyso waa, WARAR HUFAN IYO XOG LA HUBO!

Ujeedada dhabta ah ee ka dambeysa hirgelinta MUQDISHOONLINE.COM waa in la helo Warbaahin ku hageysa dadka habka loo yaqaan Saxaafadda dabagalka (Investigative Journalism) oo aan ka jirin Soomaaliya guud ahaan, isla markaana aanay jirin ilaa iyo iminka cid ku howlgashay, marka loo eego qeybaha kala duwan ee warbaahinta Soomaaalida.

 

MUQDISHOONLINE.COM waxa ay u hawlgeli doontaa arrimahan sidii ay u xaqiijin laheyd iyadoo xaaladda amni ee dalka la ogsoon yahay halka uu marayo lakin ay tahay in aanan indhaha laga laaban waxa dhacaya oo lasoo bandhigo illaa dadku ay ka ogaadaan warbaahin in aysan wax bur burinin keliya oo waxna ay dhisto.