Xog cusub: Waa kuma guddoomiyaha shirka London ee DF Somalia?

0
2015

Dowladda Soomaaliya ayaa ku jirto qaban qaabadii ugu dambeysay oo loogu diyaar garoobayo shirka London ka furmayo ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Haddaba Muqdisho Online ayaa heshay xog ku saabsan cidda ay dowladda Soomaaliya u magacawday Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka London ee dhinaca dowladda Soomaaliya.

C/raxmaan Yuusuf Cali Caynte ayaa loo magacaabay guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka London sida aan ku helnay xogta aan ka helnay Villa Soomaaliya.

Shirka London ayaa la filayaa inuu dhawaan ka furmo Magaalada London, waxaana looga hadli doono arrimo ku aadan Soomaaliya, xag amni, mid dhaqaale, mid ciidan, iyo dhammaan horumarka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa Muqdisho isugu yeertay dhammaan madaxda Maamul Goboleedyada dalka si looga hadlo arrimaha shirka London, waxayna dowladda iyo Maamul Goboleedyada isku af garteen inay hal go’aan oo mideysan la tagaan halkaas.

Please follow and like us:
0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here