Mareykanka oo aan beegsan Saldhiga Al-Shabaab ee Ceel Cadde

0
2634

Taliska Ciidanka Maraykanka ka joogga Qaaradda Afrika ayaa War kasoo saaray duqeyn 14 Bishaan ka dhacday degaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo, halkaasi la sheegay in lagu dilay dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.

Duqeyntaasi ayaa Qaar ka mid ah Warbaahinta waxa ay sheegeen in lala beegsaday Fariisin Al-Shabaab ay ku leeyihiin degaan ku dhow Ceelcadde oo lagu magacaabo Yurkud.

Waxaana  Warbaahinta Caalamka ay sheegeen in ay fuliyeen Ciidamo Mareykan ah.

Haddaba War kasoo baxay Ciidamada dowladda Mareykanka ee ku sugan Qaaradda Afrika ayaa lagu sheegay in aysan jirin howlgal ay ka fuliyeen degaanka Ceel Cadde.

Dowladda Mareykanka ayaa iska fogeysay dhacdadaasi , waxaana ay sheegtay in Ciidamadooda aysan fulin howlgalkaasi.

Warka ayaa sidoo kale  waxaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay ay fuliyeen bishii Janaayo ee sannadkan 2017-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here