Safaaradda Itoobiya oo lagu amray inay ka guurto Madaxtooyada (Wargelin dowladda u dirtay Safaaradaha)

Dowladda Soomaaliya ayaa amarkii ugu weynaa kasoo saartay safaaradaha ajanbiga ah ee degan Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Madaxtooyada. Qoraal ay dowladda u kala dirtay safaaradaha degan labadaas xarumood ayaa lagu wargeliyay Safaaradaha degan Garoonka diyaaradaha iyo Madaxtooyada inay halkaasi ka guuraan sida ugu dhaqsiyaha badan. Waxaa loo sheegay safaaradahaasi inay ku shaqeeyaan xarumahoodii hore ee ay dalka ku lahaayeen waqtigii hore, arrintan oo in muddo ah la sugayay ayaa ku soo beegantay xilli xasaasi ah, waxayna saameyn ku yeelan doontaa safaaraddo fara badan. Safaaradaha amarkan saameynta ku yeeshay ee ku…

Read More

Mareykanka oo aan beegsan Saldhiga Al-Shabaab ee Ceel Cadde

Taliska Ciidanka Maraykanka ka joogga Qaaradda Afrika ayaa War kasoo saaray duqeyn 14 Bishaan ka dhacday degaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo, halkaasi la sheegay in lagu dilay dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-Shabaab. Duqeyntaasi ayaa Qaar ka mid ah Warbaahinta waxa ay sheegeen in lala beegsaday Fariisin Al-Shabaab ay ku leeyihiin degaan ku dhow Ceelcadde oo lagu magacaabo Yurkud. Waxaana  Warbaahinta Caalamka ay sheegeen in ay fuliyeen Ciidamo Mareykan ah. Haddaba War kasoo baxay Ciidamada dowladda Mareykanka ee ku sugan Qaaradda Afrika ayaa lagu sheegay in aysan jirin howlgal ay ka…

Read More

Xog cusub: Muranka ka taagan xil wareejinta maareyaha garoonka Muqdisho

Wararka aan ka heleyno Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weli uu muran ka dhex aloosan yahay Maareeyihii xilka laga qaaday iyo Maareeyaha cusub ee la magacaabay 06 April 2017. Maareeyihii Garoonka Aadan Cadde, Aadan Cabdi Ashkir, ayaa diidan xil ka qaadis uu ku sameeyay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia, waxa uuna wali ku doodayaa in xilka looga qaadi karo keliya Digreeto kasoo baxda Xafiiska Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo. Aadan Cabdi Ashkir, ayaa ku doodaaya in xil ka qaadista uu Ra’isul wasaare Kheyre ku sameeyay 06 April…

Read More

Xog cusub: Waa kuma guddoomiyaha shirka London ee DF Somalia?

Dowladda Soomaaliya ayaa ku jirto qaban qaabadii ugu dambeysay oo loogu diyaar garoobayo shirka London ka furmayo ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya. Haddaba Muqdisho Online ayaa heshay xog ku saabsan cidda ay dowladda Soomaaliya u magacawday Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka London ee dhinaca dowladda Soomaaliya. C/raxmaan Yuusuf Cali Caynte ayaa loo magacaabay guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka London sida aan ku helnay xogta aan ka helnay Villa Soomaaliya. Shirka London ayaa la filayaa inuu dhawaan ka furmo Magaalada London, waxaana looga hadli doono arrimo ku aadan Soomaaliya, xag amni,…

Read More