Xuska Maalinta Dhir beerista Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho(SAWIRRO)

0
1509

Munaasabad kooban oo lagu xusayay Maalinta Dhir beerista Qaranka ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Xanaanada  Xoolaha dhirta iyo daaqa, waxaana ka soo qeyb galay wasiir ku xigeenka wasaaradda xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa Agaasimaha guud ee wasaarada iyo Agaasime waaxeedyada.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo daaqa ee Dowladda Soomaaliya Xildhibaan C/kariin Khaliif Dalac oo munaasabadda ka hadlay ayaa ugu baaqay umadda Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan ololaha dhir beerista soomaaliyeed ,wuxuuna sheegay in qof walba looga baahanyahay in gurigiisa uu dhir ku beero.

Sanad walba laga bilaabo 10,ka bisha afaraad waxaa guud ahaan dalka laga xusaa todobaadka dhir beerista Qaranka ,iyadoo marka la gaaro 17-da April la qabto munaasabad lagu xusayo maalintaas.

 

Please follow and like us:
0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here