Sarkaal katirsan Madaxtooyada oo la dilay iyo kuwii dilay oo la qabtay

0
1128

Ciidamada Amniga ayaa Caawa Degmada Xamar-jajab ee Gobolka Banaadir ku qabtay Labo Nin oo Bastoolado ku Hubeysnaa iyo Gaari ay wateen,kuwaasi oo Nin ku dilay Buundada Ansalooti Ee Degmada Xamar-jajab Hoosteeda.

 

Guddoomiyaha Degmada Xamar-jajab Axmed Cusmaan Dhoorre oo warbaahinta Muqdisho la hadlay waxa uu sheegay in Ciidamada Ammaanka ay Gacanta ku dhigeen Gacan ku dhiigleyaasha Dilka Caawa ka geystay Degmada oo Bastoolado watay iyo sidoo kale Gaari ay wateen haddana ay ku jiraan Gacanta Ciidamada Amniga.

 

Wararka ayaa intaas ku daraya in Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya oo lagu Magacaabo Maxamed Axmed Cali iyo Wiil Magaciisa lagu soo koobay Boqol oo la socday aysoo dileen dadkan.

 

Xilligan waxaa loo gudbiyay kooxdan la qabtay Xarunta CID halkaasi oo lagu baarayo, waxaana ay noqoneysaa markii ugu horeysay oo la qabto dabley dad soo dilay xilli falalka dilka ah ay Muqdisho kusoo badanayeen.

Please follow and like us:
0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here