Taliyeyaal Boolis oo horey u wax qabad la’aan lagu eedeeyay oo dib loo magacaabay

0
1341

Taliyaha cusub ee Booliska Soomaliya Gen. C/xakiin Daahir Saciid (Saacid) ayaa xilalkii ka qaaday taliyeyaal ka tirsanaa ciidamada Booliska, isagoo magacaabay kuwo cusub.

Taliyihii Booliska Gobolka Banaadir Col. Bishaar Abshir Geeddi ayaa xilka laga xayuubiyay, waxaana xilkaasi loo magacaabay Jen. Axmed Xasan Maalin oo hore usoo qabtay xilkan in muddo ahna soo hayay loogana qaaday xilka wax qabad la’aan.

Dhinaca kale Jen. Maxamed Cumar Madaale ayaa loo magacaabay madaxa Hoggaanka Howlaha ciidanka Booliska, wuxuuna hore u soo noqday taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, waxaana la sheegay in isbedello hor leh lagu sameyn doono taliyeyaasha ciidamada Booliska.

Taliyeyaasha la magacaabay ayaa hore ula soo shaqeeyay taliyaha cusub ee Jen. Saacid, iyagoo aan ku cusbeyn xilalka loo magacaabay, waxaana qaarkood horey xilka looga qaaday kadib markii la arkay in ay wax qabad muuqda la imaan waayeen oo ay dayaceen hawshii loo dhiibay.

Dadka wax ka yaqaana arrimaha booliska ayaa sheegaya in taliyeyaashan xilalka loosoo magacaabay oo aan ku cusbeyn ay yihiin kuwa horey u fashilmay, waxaana kow ka ah taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo horey xilka looga qaaday kadib markii shaqadiisa uu kasoo dhalaali waayay, waxaana markii loo dhiibay Jeneraal Xaamud uu ku sameeyay isbadal muuqda, waxaa sidoo kale arintaasi ay ku dhacday Jeneraal Bashiir Goobe oo nin horey looga qaaday xilkaasi ciidanka asluubta kadib markii uu ku fashilmay dib loogu soo celiyay xilkiisa, waxaana loo fadhiyaa isbadalka laga sugayo.

www.muqdishoonline.com

MUQDISHO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here