Muqdisho oo xaalad adag wajaheysa (Nabad doon Doongaale oo la dilay)

0
292

Magaalada Muqdisho waxa ay martineysaa maalmahan dambe dilal qorsheysan, dhac, qaraxyo iyo falal kale oo amni xumo ah.

Arimahan ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda ay ku hawlan tahay isbadal sameyn dhinaca maamulada dalka kajira, waxaana la moodaa in kooxaha kasoo horjeeda dowladda ay fursadaasi ka faa’ideysanayaan oo ay rabshadaha sii hurinayaan.

Xalay ayaa ugu dambeeyay, Muqdisho waxaa fal dil ah loogu geystay Nabad doon caan ahaa, Isgoyska Laba-dhagax ee degmada Wardhiigley ayuu ka dhacay dilka, waxaana lagu soo waramayaa in ay baxsadeen dableydii falka dilka toogashada ah geysatay.

Nabadonka la dilaay  oo magaciisa lagu sheegay Shire Maxamuud Doongaale ayaa kooxo ku hubeysan bistoolado toogteen, wuxuuna ka mid ahaa nabadonadii wax kasoo doortay xildhibaanada dowladda Federaalka ee magaalada Cadaado.

Meydkiisa ayaa goobta laga qaaday iyadoo ay gaareen ciidamada ammaanka oo baaritaan halkaas ka sameeyay hayeeshee cid loosoo qabtay ayaanan la shaacin.

Mas’uuliyiin katirsan dowladda gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Beesha Habar Gidir ayaa u tacsiyadeeyay  ehelada Nabaddoonka, waxaana ay sheegeen in qeyb ay ka tahay xaaladaha amniga ee dalka kajira.

Wax ka qabashada falalka amni darrada ayaa looga fadhiyaa dowladda Soomaaliya ee isbadallada ku hawlan, waxaana muuqata in isbadalka iyadoo laga faa’ideysanayo falalka amni darrida ay sii kordheen, waxaana lakala cadeyn karin in ay falalkaasi ku dhaqaaqayaan kooxaha dowladda kasoo horjeeda iyo kuwa dano gaar ah wata.

 

www.muqdishoonline.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here