Mudaaharaad looga cabanayo Sicir barar kajira deegaannada Somaliland oo Hargeysa ka dhacay

0
104

Dibad bax ay soo abaabuleen ganacsatada iyo dadka rayidka ah ee kunool deegaannada Somaliland ayna kaga cabanayeen sicir barar ayaa maanta ka dhacay Magaalada Hargeysa.

Dibadbax ayaa waxaa wariyeyaasha ka hawlgala Hargeysa ay isku dayeen in ay soo tabiyaan, waxaana durba soo gaaray halkaasi ciidamo katirsan maamulka Somaliland oo dadkii kala eryay wariyeyaashiina xiray.

Saacado oo ay xirnaayeen dad shacab ah iyo wariyeyaal ayaa lagu soo waramayaa in lasii daayay, waxaana lagu wargeliyay in aysan ka hadli karin arimahan sicir bararka, waxaana ganacsatada qaarkood loogu hanjabay in aysan ka hadli karin sicir bararka.

Somaliland ayaa maalmahan dambe waxa ay kordhisay ku takri falka ay u geysaneyso Wariyeyaasha, Fanaaniinta iyo dadka caanka ah, waxaana dhowaan xabsi Labo sano ah ay ku xukuntay Wariye C/maalik Muuse Coldoon, oo wax qalad ah aanan laheyn sida muuqatana fal dambiyeed loo abuuray.

www.muqdishoonline.com

MUQDISHO.

Please follow and like us:
0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here