Guddoomiyaha magacaaban ee Gobolka Banaadir oo Muqdisho si diiran loogu soo dhaweeyay

0
176

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee magacaaban ahna Duqa Muqdisho Thaabin Cabdi Maxamed oo kasoo laabtay dalka mareykanka ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Thaabit ayaa mareykanka ka yimid isaga oo halkaasi isaga soo wareejiyay xafiiskii safiir kuxigeenka mareykanka, waxaana kusoo dhaweeyay magaalada Muqdisho Xildhibaano katirsan Baarlaamaanka Soomaaliya, Guddoomiye kuxigeennada Gobolka iyo qaar kamid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeyaan Maamulka Gobolka Banaadir si loo Xasiliyo Ammaanka Gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxa uu si aad ah ugu mahadceliyay Guddoomiyeyaashii uga horeeyay xilkan Gobolka Shaqooyinkii ay soo qabteenna ku amaanay, isaga oo ballan qaaday in shaqada halka hadda ay mareyso uu kasii wadi doono.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Thaabit uu qorsheynayo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka qaarkood in uu xilka ka qaado gaar ahaan kuwa hawshooda gudan waayay, waxaana sidoo kale guddoomiyeyaal qaar saameyn ku yeelan doona habka awood qeybsiga.

Sabtida ayaa lagu wadaa in xilka uu kala wareego Sh.Yuusuf Jimcaale Madaale oo waddooyinkii ugu badnaa Muqdisho laami ka dhigay, kuwa badanna dayactir xoogan ku sameeyay.

 

www.muqdishoonline.com

MUQDISHO.

Please follow and like us:
0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here