Xildhibaannada Aqalka sare oo ansixiyay xeer hoosaadkii ay ku shaqeyn lahaayeen

0
435
KODAK Digital Still Camera

Kulan ay maanta ku lahaayeen magaalada Muqdisho xubnaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa waa ay ku ansixiyeen xeer hoosaad maalmahan ay qoristiisa ku hawlanaayeen.

Xeer hooskaadkan oo ah kii ay ku shaqeyn lahaayeen ayaa kulankii lagu ansixinayay waxaa soo xaadiray 35 mudane.

Ajendahu kulanka ayaa ahaa akhrinta, ka doodista iyo ansixinta xeer hoosaadka Aqalka Sare, iyadoo kulanka uu shir guddoominayay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa u mahadceliyay guddiga soo diyaariyay xeer hoosaadka, waxa uu sheegay in howl wanaagsan ay soo qabteen xiligii ay gacanta ku hayeen xeer hoosaadka aqalka sare.

“Anigoo ku hadlaya afka guddoonka iyo codka mudanayaasha Aqalka Sare waxaan u mahadcelinayaa guddigii soo diyaariyay xeer hoosaadka Aqalka Sare, wax wanaagsan ayay soo qabteen guddiga waqti badan ayay galiyeen ka shaqaynta xeer hoosaadka aan ku shaqaynayno” ayuu yiri Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi.

Sidoo kale waxaa ka hadlay goobta C/risaaq Jurille oo kamid ah guddigii soo diyaariyay xeer hoosaadkan isaga oo yiri “Xubno ka mid ah Aqalka Sare ayaa gacan naga siiyay sida howsha naloo xil saaray aan u gudan lahayn, waa Alle mahaddii mar hadduu Alle noo dhameeyay xeerkii aan ku shaqayn lahayn”

Xeer Hoosaadka ayaa akhrintiisa iyo doodiisa waxa ay soo bilaabatay 25-kii Feberaayo, waxa uuna ka kooban yahay 10 cutub iyo 98 qodob, waxaana maanta ugu dambeyntii la isku raacay in la ansixiyo sidaasina lagu ansixiyay.

 

www.muqdishoonline.com

MUQDISHO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here