WAR DEG DEG AH : MADAXWEYNE FARMAAJO OO ISBADAL KU SAMEEYAY TALISYADA CIIDAMADA IYO GOBOLKA BANAADIR

0
607

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya oo ka qeybgalayay maanta shirkii golaha wasiirada ayaa kaga dhawaaqay halkaasi arimo fara badan.

Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka (NISA), Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Abaan Duulaha Ciidanka iyo Taliyaha Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta la magacaabay, waxaana xilalkii laga qaaday kuwii hore.

Taliyaha NISA, ayaa waxaa loo magacaabay C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), iyadoona xilkaasi laga xayuubiyay Taliyihii hore ee NISA, General C/laahi Gaafow Maxamuud.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa loo magacaabay Thaabit Cabdi Maxamed, waxaana xilkaasi laga qaaday Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani).

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa waxaa loo magacaabay General Axmed Maxamed Jimcaale (General Cirfiid), iyadoo xilkaasina laga xayuubiyay General Maxamed Aadan Axmed (Buud).

Abaan Duulihii Ciidanka Xoogga, General Cali Baashi Maxamed Xaaji Cumar oo xil ka qaadis lagu sameeyay, ayaa booskiisii loo soo magacaabay General C/laahi Cali Caanood.

General C/xakiin Daahir Saciid, ayaa waxaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ka dib markii xilkaasi laga qaaday General Xaamud.

WIXII KUSOO KORDHA KALA SOCO MUQDISHO ONLINE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here