Tahriibiyeyaal Soomaali ah oo lagu qabtay Kenya

0
47

Wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi ee Xarunta Wadanka Kenya ayaa sheegaya in saraakiisha wadankaasi ay gacanta kudhigeen rag Soomaali ah oo lagu eedeeyay in ay ahaayeen koox wax tahriibiya.

Dadkan la qabtay ayaa lagu eedeynayaa in ay dadka kasoo kaxeynayeen xerada qaxootiga ee dhadhaab isla markaasina ay Nairobi geynayeen kuna geynayay waraaq been abuur ah.

Soomaalidan la qabtay oo 7-ruux ah ayaa sidoo  kale waxaa Booliska Kenya ay sheegayaan in marka ay Nairbo dadka keenaan ay u sheegayeen in waraaqo kale ay siinayaan kaasi oo yurub loogu sii qaadayo kadibna qaxooti ahaan loo qaabilayo.

U qeybsanaha waqooyi bari ee dalka Kenya oo lagu magacaabo Maxamed Saalax ayaa sheegay in dadkan ay waraaqo been abuur ah dadka u sameynayeen baaritaankooduna uu socdo maxkamadna lasoo taagi doono, waxaana sidoo kale ay sheegayaan in dad kale baadi goob ay ugu jiraan oo arimahan ku hawlan.

MUQDISHOONLINE.COM

Please follow and like us:
0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here