Ra’iisal wasaare Kheyre oo Hey’adaha dowladda amar culus kusoo rogay.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta amar culus soo saaray kaasi oo uu ku amrayo hey’adaha dowladda kuna aadan isticmaalka luqadda Soomaaliga.

Amarkan oo si gaar ah wasaaradaha dowladda ugu socday hey”adaha kale ee dowladduna ay la wadaagayaan ayaa wareegto rasmi ah kusoo saaray in luqadda ay isticmaalayaan ay noqoto Soomaali sidoo kale waraaqaha rasmiga ah ee kasoo baxaya wasaaraduhuna ay ahaadaan kuwa Soomaali ku qoran.

Amarkan oo isla maanta fulaya ayaa ku qasbaya hay’adaha dowladda inay af-Soomaaliga isticmaalaan iyadoo markii hore si weyn loo adeegsan jiray luqada ingiriiska kaasi oo weli xafiiisyada dowladda caado ka ah

Madaxweynihii xilkaka dagay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey meel munaabsad ah ka sheegay in luqadda Soomaaliga ay adeegsadaan xafiisyada dowladda hayeeshee si adag wuu u dhaqan geli waayay warkaasi, waxaana la arkayaa sida uu u dhaqan geli doono warkan uu maanta soo saaray ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

 

Muqdishoonline.com

MUQDISHO

Please follow and like us:
0

Related posts

Leave a Comment