Wasiir katirsanaa Xukuumaddii Cumar C/rashiid oo xilka aan weli wareejin oo saakay Muqdisho ku geeriyooday

0
496

Waxaa magaalada Muqdisho saakay ku geeriyooday wasiirkii hore ee Dekadaha iyo gaadiidka Badda Nuur Faarax Xirsi Warfaa kadib muddo oo xanuun uu kula jiray isbitalka Ordogan ee Muqdisho.

Wasiir Nuur Faarax oo qaraabadiisa iyo xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay u xaqiijiyeen Muqdishoonline.com ayaa sheegay in wasiirka uu muddooyinkan dambe xanuunsanaa kuna jiray isbitaalka Ordogan halkaasi oo lagu daweynayay, saakay aroortii horeyna uu ku geeriyooday isbitalkaasi.

Allaha u naxariisto wasiirkan ayaa kamid ahaa xukuumaddi Cumar C/rashiid, waxaana laga sugayay in xilka uu hadda wareejiyo, wuxuuna geeriyooday isaga oo aanan xafiiska wareejin, waxaase la filayaa in kuxigeenkiisa uu wareejiyo xafiiska iyo warbixinta wasaaradda.

Marxuum Nuur Faarax oo deegaan ahaan kasoo jeeda Gobolada Waqooyi waxaa lagu soo waramayaa saakay in la qorsheynayo in Muqdisho lagu aaso, waxaana u tacsiyadeeyay mas’uuliyiin badan oo dowladda katirsan.

Muqdishoonline.com

MUQDISHO.

Please follow and like us:
0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here