Xiisad ka dhex taagan Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda ee kuwada sugan Baardheere

0
114

Wararka ka imaanaya Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi xiisad aad u culus ay ka taagan tahay kaasi oo u dhaxeeya Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ee halkaasi kuwada sugan.

Xiisadan ayaa sababi karta in dagaal uu kudhex maro labadaasi ciidan Magaalada Baardheere hayeeshee Ciidamada Itoobiya ayaa kujooga Gobolka Gedo magada Amisom inkastoo ay u dhaqmayaan hab dhaqameed ka baxsan kuwa Amisom looga bartay.

Col.Aadan Cabdi Cali oo kusugan Baardheere ayaa warbaahinta Muqdisho u sheegay in dhibka uu ka taagan yahay isgaarsiinta oo habeenkii ay Itoobiyaanka jaraan illaa lix saac duhurnimo ay gaarsiiyaan taasi oo dhibaato ku ah Shacabka iyo Ciidamada dowladda.

Sidoo kale waxa uu sheegay sarkaalkan in Garoonka diyaaradaha ay ka qoteen dhufeesyo godad ah oo waaweyn airportkaana ay u diidaan cidii ay doonaan kuwa ay doonaanna ay u fasaxaan.

Dhibaatadan ayuu ku eedeeyay sarkaal Itoobiyaan ah oo dhowaan loosoo magacaabay taliyaha ciidamada Gobolkaasi kusugan kaasi oo dhaqan xumo la yimid Gobolkaasi sida sarkaalkan Soomaaliga uu sheegayo.

Arintan ayaa wax kaqabashadeeda waxa ay kamid tahay hawlaha adag ee horyaalla dowladda Soomaaliya, waxaana dowladda Soomaaliya ay qorsheyneysaa in Ciidamada Amisom ay xisaabtanto.

Muqdishoonline.com

Xafiiska Muqdisho

Please follow and like us:
0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here