Maamulka Ahlu sunna ee Gobolada dhexe oo rag katirsan Jameecada Tabliiq ku xiray Dhuusamareeb

0
60
Muuqaalka Dhuusamareeb

Magaalada Dhuusa mareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa laga soo sheegayaa in Maamulka halkaasi ka taliya ee Ahlu sunna ay gaari kala dageen rag katirsan Jameecada Diinta faafisa ee Tabliiqa loo yaqaan.

Dadkan la qabtay oo gaaraya 20ruux ayaa waxaa lagu xiray xabsi dhuusa mareeb kuyaalla, waxaana lasheegay in looga shakisan yahay falal amni darro in deegaannada maamulka Ahlu sunna ay ka wadeen.

Inkastoo maamulka Ahlu sunna ee Gobollada dhexe weli aysan ka hadlin arintan hadana dadka arimahan la socda ee deegaanadaasi kunool waxa ay sheegayaan in Ahlu Sunna ay uga shakisan yihiin kooxdan in ay xiriir la leeyihiin Alshabaab oo magaca Tabliiq ay kusoo dhuumaaleysanayaan.

Ahlu sunna ayaa horey u sheegtay in ay gacanta kusoo dhigeen hub fara badan oo Alshabaab ay meel ku aasteen kadib markii xog sirdoon ay heleen, waxaana Gobolada dhexe weli ka socda isgaad gaadka ka dhaxeeya Ahlu sunna iyo Alshabaab.

 

Muqdishoonline.com

Xafiiska Muqdisho

Please follow and like us:
0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here