Tiro Hoobiyeyaal oo maanta Madaxtooyada lagu garaacay

0
41

Duhurnimadii maanta ayaa xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia waxaa lagu garaacay hoobiyeyaal taasi oo weli aanan lasoo sheegin khasaaraha ka dhashay.

Hoobiyeyaasha lagu soo duqeeyay Xarunta Madaxtooyada ayaa tiradooda lagu sheegay in illaa 4 ay gaareyso, waxaana hal mid ah uu ku dhacay inta u dhaxeysa Xafiiska Madaxweynaha iyo hoygiisa Villa Somalia, mid kale ayaa isna ku dhacay Xaafadda cagadhiig, mid kale ayaa isna ku dhacay meel kudhaw guri uu degan yahay wasiirkii hore ee arrimaha gudaha C/raxmaan Odowaa kaasi oo ciidamo dowladda katirsan uu dhibaato kasoo gaaray.

Duqeyntaasi kadib ayaa waxaa gaaray goobaha ay kusoo dhaceen iyo goobaha looga shkisan yahay in laga soo tuuray ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya oo hawlgallo ka sameeyay goobahaasi hayeeshee weli wax war ah kama soo bixin ciidamada dowladda.

Waxaa xusuusin mudan in Madaxweyne Farmaajo maalintii uu xilka la wareegayay sidan oo kale hoobiyeyaal lagu soo garaacay xarunta madaxtooyada taasi oo xilligaasi dhalisay dhimasho hal qoys oo wada jira.

Golaha wasiirada la ansixiyay ayaa looga fadhiyaa arintan in si deg deg ah ay wax uga qabtaan, waxaana ammaanka dalka uu u muuqdaa mid faraha kasii baxaya, waxaana dilka la ogyahay saakay uu ka dhacay Xaafadda Siinaay ee Degmada Warta Nabadda.

Muqdishoonline.com

MUQDISHO

Please follow and like us:
0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here