Ra’iisal wasaare Kheyre oo maanta Baarlamaanka horgeynaya Xukuumadda uu soo dhisay

0
64

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta lagu wadaa in uu Baarlamaanka Soomaaliya horgeeyo Golihiisa wasiirada ee dhowaan uu soo dhisay.

Baarlamaanka ayuu ka codsan doonaa in codka kalsoonida ay siiyaan xukuumaddan isla markaasina hawshooda lagula xisaabtamo kadib marka ay hawl bilaabaan.

Saakay ayaa waxaa la xiray waddooyinkii la xiri jiray marka kulanka baarlamaanka uu jiro waxaana lagu wadaa in saakay Baarlamaanka uu kulmaan kadibna codka kalsoonida loo qaado.

Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ka muuqata kalsooni badan waxaase laga warsugayaa baarlamaanka waxa ay xukuumaddiisa kala kulanto maanta.

Prof.Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ah hadda kusimaha Madaxweynaha ayaanan shir guddoomin doonin shirka maanta waxayna wararku sheegayaan in arintan ay aheyd kutalagal loo sameeyay Jawaari oo muran badan ka keenay wasiirada cusub, waxaana shirka maanta shir guddoomin doona Guddoomiye kuxigeenka Koobaad ee Baarlamaanka C/weli Muudeey.

Please follow and like us:
0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here