Ra’iisal wasaare Kheyre oo booqday goobaha barakaceyaasha abaaraha ay dageen (SAWIRO BADAN)

0
47

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta booqday xarumaha ay kusugan yihiin dadka barakaceyaasha ee duleedka Magaalda Muqdisho.

Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale kormeerkiisa kusoo maray xerooyin raashiin ceeriin iyo kuwa bisil loogu qeybinayay isaga oo aad ugu riyaaqay shacabka Soomaaliyeed sida wanaagsan ee ay isugu gurmanayaan.

Hadal uu warbaahinta ka jeediyay ayuu ku tilmaamay sida loogu baahan yahay in mar waliba la garab istaago dadka dhiban ee abaartu ku dhacday, isaga oo xusay in Xukuumadda ay gacan siin doonto isla markaana looga baahan yahay shacabka iyo guud ahaan cid walba oo awooda in la caawiyo dadkan dhiban.

“Maanta waxaan halkan u nimid in dareenkeena aan la wadaagno walaalaheena soo barakacay ee dhulkii ay daganaayeen ku dhufatay abaartu, waxaan ku jirnaa xili adag oo u baahanahay dhammaanteen in gurmadka aan ka qeyb qaadano haddii ay tahay Xukuumadda iyo golleyaasha kale ee Baarlamaanka. Waxaa ilaa iyo maalintii aan dirnay baaqa na soo gaaray gurmad fara badan, laakiin waxaan xaqiijinayaa gurmadka na soo gaaray iyo dhibaatada jirta in ay aad u kala badan yihiin” ayuu yiri R/Wasaare Kheyre.

Kaalinta Maamulka Gobolka Banaadir ay ka qaadanayaan u gurmashada dadkan ayuu amaanay isaga oo xusay in loo baahan yahay in dadkan aan la tusin dhibaatadii ay soo mareen.

Mas’uuliyiinta booqashada ku wehlineysay ayaa waxaa kamid ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, Kuxigeenkiisa Koobaad Ismaaciil Guurre iyo mas’uuliyiin kale oo maamulka Gobolka Banaadir katirsan.

 

Muqdisho Online

Muqdisho.

Please follow and like us:
0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here