Qaraxii xalay Muqdisho laga maqlay 3:00 habeenimo oo la ogaaday (muxuu ahaa yaase ku dhintay)

Qarax aad u xoogan ayaa habeenimadii xalay laga maqlay qeybo fara badan oo kamid ah magaalada Muqdisho kaasi oo saakay oo idil lagu wareersanaa aadna loo raadinayay warbixinta qaraxaasi.

Muqdishoonline.com ayaa uu kuurgashay qaraxan iyo waxa uu ahaa, waxaana lasoo xaqiijiyay in qaraxan uu ahaa miino dhulka lagu aasayay oo aad u weyneyd oo ku qaraxday kooxdii aaseysay kunawada dhamaadeen.

Miinada qaraxday ayaa lagu aasayay Jidka Warshadaha gaar ahaan agagaarka dhismaha Jaamacadda SIMAD, waxaana lasoo sheegayaa in rag la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Alshabaab oo miinada aasayay ay kuwada geeriyoodeen.

Xogta ay heshay Muqdishoonline.com ayaa sidoo kale sheegeysa in 3ruux ay ahaayeen kooxaha miinada aasayay, labo waxa ay ahaayeen arday halka kan 3.aadna uu ahaa macallin, waxaana la barayay sida miinada loo aaso, iyaga oo la tusayo labadii qof ee ardayda aheyd ayay ku qaraxxday kua geeriyooday isla goobta oo saakay la arkay hilibkooda oo go go’an.

Magaalada Muqdisho waxay mart gelisay maalmahan dambe qaraxyo iyo dilal fara badan iyadoo weli aanan wax laga qaban, hey’adaha ammaanka ku shaqada lehna waxa ay sheegayaan in xukuumadda cusub ay tahay midda lawada sugayo loona wada sugayo sidii ammaanka dalka wax uga qaban laheyd.

Please follow and like us:
0

Related posts

Leave a Comment