Madaxweyne Farmaajo oo dalka ka dhoofay si uu uga qeybgalo shir madaxeedka J.Carabta

0
49

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaalka SOomaaliya Maxamed c/llaah Farmaajo ayaa maanta dalka ka dhoofay kaasi oo kusii jeeda dalka Jordan halkaasi oo shir uu uga qeybgeli doono.

 

Shir madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta oo berri ka furmi doona dalkaasi Jordan ayaa waxaa ka qeybgeli doona Boqorka Sacuudiga iyo madax badan oo Carbeed, iyadoo muddo dheer kadib uu tegi doono Boqorka Marooko Boqor Maxamed-ka lixaad, waxaa kaliya oo marnaan doona kursiga dalka Suuriya oo hore looga saaray dowladda Bashaar Al-asad.

Arimaha looga hadlayo ayaa waxaa kamid ah dhibaatada Soomaaliya ka taagan gaar ahaan abaaraha, dowadaha carabta ayaa gargaar u soo diray Soomaaliya inkastoo kaalintooda rasmiga ah weli aysan kasoo muuqan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Shirkan uu ka qeybgalayo u ah tii ugu horeysay oo tan iyo markii madaxweyne loo magacaabay uu uga qeybgalo shir ay hoggaamiyeyaal carbeed kawada qeybgalayaan.

Please follow and like us:
0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here