Kooda Daacish ee Soomaaliya oo sheegatay in sarkaal NISA ay dileen

0
42

Soomaaliya oo lasheego in ay joogaan kooxo badan islaamiyiin jihaad doon ah ayaa waxaa horey si rasmi ah loo xaqiijiyay in ay joogaan Alqaacida oo wakiil ay u yihiin Alshabaab hayeeshee Daacish ayaa iyaguna wakiiladooda ay soo gaareen kana bilaabay Muqdisho hawlgallo.

Kooxda Daacish ayaa sheegtay in ay Weerarkii ugu horeeyay oo ay ka fuliyeen Muqdisho ay ku dileen Sarkaal ka tirsan Hay’adda Nabad Suggida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA.

Warbaahinta Daacish ee loo yaqaan Acmaaq ayaa lagu daabacay in dabley ka tirsan Kooxda Daacish in ay Muqdisho ku  dileen Sarkaal lagu magacaabo Muxiyaddiin Amadd.

Sheegashan ayaa noqoneysa tii ugu horeysay hayeeshee horey waxa ay ugu xooganaayeen deegaannada Puntland halkaasi oo qaraxyo iyo dilal ay ka geystaan uguna furan xerooyin waaweyn oo ay kooxaha fikradahooda aaminsan ay ku tababaraan.

 

Please follow and like us:
0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here