Ciidamada Itoobiya iyo Alshabaab oo ku dagaalamay Gobolka Galgaduud

Dagaal qaraar ayaa lagu soo waramayaa in Gobolka Galgaduud u si kedis ah ugu dhex maray ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa katirsan xarakada Alshabaab.

Dagaalkan ayaa ku bilowday kadib markii Alshabaab ay weerar kusoo qaadeen Ciidamo Itoobiyaan ah, waxayna wararku sheegayaan in ay kasoo baxeen itoobiyaanka Dhuusa mareeb kuna sii jeedeen Ceelbuur.

Xarakada Alshabaab ayaa adeegsanayay hub culus halka markii dame Ciidamada Itoobiya ay iyaguna adeegsadeen madaafiic culus sida dadka deegaanka ay soo sheegayaan, waxaana uu dhaliyay dagaalkan khasaare nafeed oo labada dhinac soo gaaray.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya gaadiid looga gubay dagaalkaasi lama filaanka ku ahaa, waxaana sababta Ciidamadan itoobiyaanka ay ugu soo jeedeen Degmada Ceelbuur lagu sheegay kadib markii Saldhigga ciidamada Itoobiya ee Ceelbuur ay in muddo ah soo wajahday  go’doon sahay la’aan ah.

Dagaakan ayaanan weli ka hadlin labada dhinac hayeeshee dadka deegaanku waxa ay sheegayaan in dagaalka uu ahaa mid kulul oo labada dhinacna khasaare xoogan uu soo kala gaaray.

Please follow and like us:
0

Related posts

Leave a Comment