Askari katirsan NISA oo haweeney da’a ah ku dilay Degmada Wadajir

Askari Ka tirsan Ciidamada Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA ayaa Maanta Xaafadda Dan Wadaagta Ee Degmada Wadajir Ku Dilay Haweeney da’ahayd oo Saarneed Gaari Yar oo Marayay Wadada Dan wadaagta.

 

Dilkan oo ahaa mid bareer ah kana dhacay xaafadda Danwadaagaha ee degmada Wadajir, waxaana uu naxdin ku abuuray dadkii goobta ku sugnaa oo meydka haweeneyda goobta ka qaaday, waxaana lagu sheegay magaca askariga wax dilay Maslax Ganeey.

Weli arinta dilkan cid ka hadashay majirto hayeeshee waxaanba la hubin sababta keentay in askarigan uu dilo haweeneydan, waxaana kii wax dilay lasoo sheegaya in uu baxsaday h ayeeshee saraakiisha NISA ay ku daba joogaan.

Please follow and like us:
0

Related posts

Leave a Comment