Xil.Xasan Sheekh oo qoray Maqaal uu ugu magac daray “Soomaaliyey I Maqal”

Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoray Maqaal cajiib ah oo uu kaga hadlayo wadciga dalka uu marayo wuxuuna u kala qaaday qodobo dhawr ah. Maqaalkan oo la dareemayo mas’uul khibrad leh in uu qoray horeyna barre ama Macallin u ahaa ayaa waxa uu u qornaa sida tan :-   Soomaaliyey I Maqal Ilaa iyo waagii dowladnimada Soomaaliya ay dhalatay 1960kii, mar kasta waxaa jiray caqabado ay shacabka Soomaaliyeed la tacaalayeen ha ahaadaan kuwo siyaasadeed, dhaqaale, ama Bulsho. Inta badan caqabadaha waa xoojin jiray ama adkeyn jiray…

Read More

Ra’iisal wasaare Kheyre oo booqday goobaha barakaceyaasha abaaraha ay dageen (SAWIRO BADAN)

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta booqday xarumaha ay kusugan yihiin dadka barakaceyaasha ee duleedka Magaalda Muqdisho. Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale kormeerkiisa kusoo maray xerooyin raashiin ceeriin iyo kuwa bisil loogu qeybinayay isaga oo aad ugu riyaaqay shacabka Soomaaliyeed sida wanaagsan ee ay isugu gurmanayaan. Hadal uu warbaahinta ka jeediyay ayuu ku tilmaamay sida loogu baahan yahay in mar waliba la garab istaago dadka dhiban ee abaartu ku dhacday, isaga oo xusay in Xukuumadda ay gacan siin doonto isla markaana looga baahan yahay shacabka iyo guud ahaan…

Read More

Madaxweyne Farmaajo oo dalka ka dhoofay si uu uga qeybgalo shir madaxeedka J.Carabta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaalka SOomaaliya Maxamed c/llaah Farmaajo ayaa maanta dalka ka dhoofay kaasi oo kusii jeeda dalka Jordan halkaasi oo shir uu uga qeybgeli doono.   Shir madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta oo berri ka furmi doona dalkaasi Jordan ayaa waxaa ka qeybgeli doona Boqorka Sacuudiga iyo madax badan oo Carbeed, iyadoo muddo dheer kadib uu tegi doono Boqorka Marooko Boqor Maxamed-ka lixaad, waxaa kaliya oo marnaan doona kursiga dalka Suuriya oo hore looga saaray dowladda Bashaar Al-asad. Arimaha looga hadlayo ayaa waxaa kamid ah dhibaatada Soomaaliya ka taagan gaar ahaan…

Read More

Askari katirsan NISA oo haweeney da’a ah ku dilay Degmada Wadajir

Askari Ka tirsan Ciidamada Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA ayaa Maanta Xaafadda Dan Wadaagta Ee Degmada Wadajir Ku Dilay Haweeney da’ahayd oo Saarneed Gaari Yar oo Marayay Wadada Dan wadaagta.   Dilkan oo ahaa mid bareer ah kana dhacay xaafadda Danwadaagaha ee degmada Wadajir, waxaana uu naxdin ku abuuray dadkii goobta ku sugnaa oo meydka haweeneyda goobta ka qaaday, waxaana lagu sheegay magaca askariga wax dilay Maslax Ganeey. Weli arinta dilkan cid ka hadashay majirto hayeeshee waxaanba la hubin sababta keentay in askarigan uu dilo haweeneydan, waxaana kii…

Read More

Qaraxii xalay Muqdisho laga maqlay 3:00 habeenimo oo la ogaaday (muxuu ahaa yaase ku dhintay)

Qarax aad u xoogan ayaa habeenimadii xalay laga maqlay qeybo fara badan oo kamid ah magaalada Muqdisho kaasi oo saakay oo idil lagu wareersanaa aadna loo raadinayay warbixinta qaraxaasi. Muqdishoonline.com ayaa uu kuurgashay qaraxan iyo waxa uu ahaa, waxaana lasoo xaqiijiyay in qaraxan uu ahaa miino dhulka lagu aasayay oo aad u weyneyd oo ku qaraxday kooxdii aaseysay kunawada dhamaadeen. Miinada qaraxday ayaa lagu aasayay Jidka Warshadaha gaar ahaan agagaarka dhismaha Jaamacadda SIMAD, waxaana lasoo sheegayaa in rag la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Alshabaab oo miinada aasayay ay…

Read More

Kooda Daacish ee Soomaaliya oo sheegatay in sarkaal NISA ay dileen

Soomaaliya oo lasheego in ay joogaan kooxo badan islaamiyiin jihaad doon ah ayaa waxaa horey si rasmi ah loo xaqiijiyay in ay joogaan Alqaacida oo wakiil ay u yihiin Alshabaab hayeeshee Daacish ayaa iyaguna wakiiladooda ay soo gaareen kana bilaabay Muqdisho hawlgallo. Kooxda Daacish ayaa sheegtay in ay Weerarkii ugu horeeyay oo ay ka fuliyeen Muqdisho ay ku dileen Sarkaal ka tirsan Hay’adda Nabad Suggida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA. Warbaahinta Daacish ee loo yaqaan Acmaaq ayaa lagu daabacay in dabley ka tirsan Kooxda Daacish in ay Muqdisho ku …

Read More

Ciidamada Itoobiya iyo Alshabaab oo ku dagaalamay Gobolka Galgaduud

Dagaal qaraar ayaa lagu soo waramayaa in Gobolka Galgaduud u si kedis ah ugu dhex maray ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa katirsan xarakada Alshabaab. Dagaalkan ayaa ku bilowday kadib markii Alshabaab ay weerar kusoo qaadeen Ciidamo Itoobiyaan ah, waxayna wararku sheegayaan in ay kasoo baxeen itoobiyaanka Dhuusa mareeb kuna sii jeedeen Ceelbuur. Xarakada Alshabaab ayaa adeegsanayay hub culus halka markii dame Ciidamada Itoobiya ay iyaguna adeegsadeen madaafiic culus sida dadka deegaanka ay soo sheegayaan, waxaana uu dhaliyay dagaalkan khasaare nafeed oo labada dhinac soo gaaray. Sidoo kale dadka deegaanka ayaa…

Read More