Ra’iisal wasaare Kheyre oo isbadal la’aan ku adkeysanaya, Shariif Xasan iyo wasiirada magacaaban oo olole ugu jira ansixinta G/wasiirada

0
1299

Kadib markii ra’iisal wasaare kheyre uu soo gaaray warqaddii ka timid guddoomiyaha baarlamaanka kuna lifaaqneyd inkabadan 100 xildhibaan oo ugu baaqay ra’iisal wasaaraha dib in uu ugu noqdo liiska golaha wasiirada ayuu weli go’aankiisa ku adkeysanayaa.

Kheyre ayaa Sheegaya in uu soo dhaweynayo talo soo jeedintii xildhibaannada lakin iminka uu ku adkeysanayo in magacna uusan ka badalin golaha wasiirada oo sidii uu u soo magacaabay ku horgeeyo baarlamaanka Soomaaliya uguna weydiisto cod.

Arintan ayay leeyihiin dadka siyaasadda falanqeeya in ay tahay ad adkaanta ka muuqata ra’iisal wasaare kheyre, wuxuuna doonayaa in uu ku nasiibsado wasiiradan oo laftirkooda shaqo uu u diray.

Dhinaca kale Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa warkiisa cadeeyay, wuxuuna ugu baaqay xildhibaannada in ay ansixiyaan Golahan wasiirada.

Sidoo kale waxa uu xusay in dalka uu kujiro xaalad abaar, dagaal iyo fool xumo aad u daran loona baahan yahay in golaha wasiirada deg deg loo ansixiyo.

Shariif Xasan ayaa kulan gaar ah iyo wada hadal taleefan oo uu la yeeshay xildhibaannada Koonfur Galbeed iyo kuwa siyaasad ahaan ay is xigaan ayuu ka dhaadhiciyay in la ansixiyo Wasiiradan cusub, waxayna wararku sheegayaan in dadaal xoogan uu kujiro Shariif Xasan.

Sidoo kale Wasiirada magacaaban oo ra’iisal wasaare Kheyre kulan la qaatay kuna wargeliyay in ay xildhibaanada kasoo dhameeyaan sidii loo ansixin lahaa wasiiradan cusub ayaa lasheegayaa in iyaguna ay galeen dagaal xoogan.

Wasiirada magacaaban oo badankooda xildhibaanno ah waxa ay kulamo gaar gaar ah la qaateen xildhibaannada kana dhaadhiciyay ansixinta golaha wasiirada, waxaana iminka sii badaneysi taageerada lasiinayo xukuumadda cusub, waxaana magaalada Muqdisho ka socda shirar xasaasi ah.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa heysta Muddo todobaad kayar oo laga doonayo in baarlamaanka uu ku horgeeyo Golaha wasiirada uu soo magacaabay si codka kalsoonida uu ugu weydiiyo, waxaana xaaladda ay iminka tahay mid cakiran inkastoo dadaallo ay socdaan.

 

Muqdishoonline.com

MUQDISHO

Please follow and like us:
0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here