Askari katirsan Ciidamada Dowladda oo Jowhar ku dilay wiil 20jir ah

0
53

Wararka naga soo gaaraya degmada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Askari ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya uu dilay Wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadka kunool Magaalada Jowhar kadib khilaaf dhex maray askariga iyo wiilka

Dooda dilka keentay ayaa lagu sheegay in ay ka dhalatay kadib markii ay isku qabsadeen dhul kuyaalla jowhar kadibna uu muran dhex maray askarigii iyo wiilkii dhalinyarada ahaa, waxaana taasi ay keentay in askarigii uu xabad ku dhufto wiilkii halkaasina uu ku geeriyooday.

Dhaawac ayaa sidoo kale lasoo sheegayaa in uu soo gaaray gabar la dhalatay wiilka la dilay, waxaana wiilkan la dilay lagu sheegay magaciisa C/casiis Muxumad oo 20 jir ah.

Ciidamada dowladda ee Jowhar kusugan waxaa lagu soo waramayaa in ay gacanta kusoo dhigeen askarigii falka dilka geystay, maxkamad ayaana lasoo taagi doonaa sida xogta ay ku heleyso Muqdishoonline.com

Dhowaan ayay aheyd markii Madaxweyne Farmaajo uu kudhawaaqay askarigii dhib geysta in lagu abaal marin doono wixii uu geystay oo aanu jirin cid loo aabo yeelayo, waxaana falalka dilka ah ay kusoo badanayaan magaalada Muqdisho iyo Gobolada kale ee dalka inkastoo kala ujeeddo ay yihiin.

Muqdishoonline.com

MUQDISHO.

Please follow and like us:
0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here