Xoghayaha Degmada Wadajir oo la dilay iyo Guddoomiye waaxeed la dhaawacay

0
85

Magaalada Muqdisho oo falka dilalka maalmahan aad ugu soo kordhay caasimadda dalka ayaa waxaa si gaar ah loo beegsanayaa mas’uuliyiinta dowladda u shaqeeya.

Xoghayaha Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir C/raxmaan Axmed Calasow ayay kooxo hubeysan ku dileen isla degmadaasi waxaa sidoo kale dhaawac uu soo gaaray Guddoomiye waaxeed katirsan maamulka degmada Wadajir.

Kooxo Hubeysan ayaa oo gaari saarnaa ayaa kujaray isgoyska korontada gaariga uu saarnaa xoghayaha iyo mas’uuliyiinta kale kadibna waxaa lagu furay rasaas keentay in hal mas’uul dhaawacmo halkalena uu geeriyooda, waxaa sidoo kale weerarka ku geeriyooday labo askari oo la socotay Xoghayaha.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in falkan dilka ah uu dhacay ayna aad uga xun yihiin, sidoo kale waxa uu xusay in lagu daba jiro kooxda dilka geysatay oo baxsaday.

Magaalada Muqdisho weli waxa ay wajaheysaa xaalad amni oo aad u liidata, waxaana kusoo kordhaya falalka dilka ah, xukuumadda cusub ayaa looga fadhiyaa arimahan in ay wax ka qabtaan, waxaana muuqata in dowladda inta ay iska abaabuleyso laga sii faa’ideysanayo.

Muqdishoonline.com

MUQDISHO

Please follow and like us:
0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here