Waqtigii la dooran lahaa Madaxweynaha Galmudug oo la isku afgartay

0
879

Xildhibaannada Baarlamaanka Maamul Goboleedka Galmudug ayaa waxa ay maanta kulan kuyeesheen xaruntooda kumeel gaarka ah ee magaalada cadaado si ay uga shiraan xilliga doorashada madaxweynaha.

Kulanka oo saakay furmay ayaa buuq ku bilowday kadib markii ay isku fahmi waayeen xildhibaannada xilliga laga dhigayo doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo Madaxweynahoodii hore C/kariim Xuseen Guuleed arimo caafimaad dartii isku casilay.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa ugu dambeyn ku heshiiyay Doorashada Madaxweynaha Galmudug in la qabto 10-ka Bisha April ee sanadkan 2017 inkastoo buuq uu ka dhacay kulankii baarlamaanka.

Guddoomiyaha Barlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay 21 xildhibaan in ay u codeeyeen Doorashada Madaxweynaha in ay dhacdo 20-ka April, halka 10 April ay u codeeyeen 31 xildhibaan, sidaasina ay ku codbadiyeen 31-ka xildhibaan.

Wararka aan ka heleyno Cadaado waxa ay sheegayaan in Guddoomiye kuxigeenka koobaad ee baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed uu kulanka isaga baxay markii buuqa uu batay, sidoo kale waxaa la jirdilay Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka kana mid ah xildhbaannada baarlamaanka oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Gelle, buuq iyo fawdo kadib waqtigii loo batay ayaa lagu dhawaaqay in uu dhacayo doorashada Madaxwe, buuq iyo fawdo kadib waqtigii loo batay ayaa lagu dhawaaqay in uu dhacayo doorashada Madaxwenaha ee Galmudug.

Muqdishoonline.com

Cadaado.

Please follow and like us:
0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here