Shil ay ku dhaawacmeen 10ruux oo xalay ka dhacay Tarabuunka

0
126

Shil gaari ayaa lagu soo waramayaa in habeenkii xalay uu ka dhacay wadada Isgoyska Tarabuunka halkaasi oo gawaarida si xawli ah ay ku maraan maadaama uu heysto laami nadiif ah.

Shilkan ayaa ka dhashay kadib markii uu rogmaday gaari nooca ay Soomaalidu u taqaan caasiga oo dad ay saarnaayeen, waxaana ku dhaawacmay inta laga warhayo 10-qof oo dhaawacyadooda kuwa fudud iyo kuwa culus isugu jira.

Gaarigan ayaa dadkii goobjooga ka ahaa waxa ay u sheegeen Muqdishonline.com in gaariga oo xawli ku socday markeliya uu rogmaday, waxaana taasi ay dhalisay in dadki saarnaa dhaawac culus uu soo gaaro.

Shilalka gaadiidka ayaa kusoo badanaya maaalada Muqdisho, waxaana lagu eedeeyaa inta badan gaadiidleyda in si aanan mas’uuliyad kujirin u kaxeeyaan gaadiidka kaasi oo inbadan ay ka dhalato dhibaatadan oo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here