Roob bilow ah oo ka curtay Gobollada Hiiraan, Sh/dhexe iyo Banaadir

Iyadoo Gobollada dalka ay kajireen abaaro xoogan roobabkii la sugayay xilligii la bartayna sanadkan ay dib uga soo dhaceen ayaa salaad iyo alle bari kadib waxaa bilowday roobkii la sugayay.

Gobollada ay roobabkan ka bilowdeen waxaa kamid ah Gobolka Hiiraan oo deegaanka Moqokori iyo deegaan kale ay si aad ah uga da’eeh xalay, waxaana dadka deegaannadaasi ay soo sheegayaan in roobka uu ahaa mid lagu diirsaday.

Gobolka Sh/dhexe ayaa isna gelinkii dambe ee shalay ka curtay roobka, waxaana deegaannada uu ka da’ay kamid ahaa Mahadaay iyo deegaannada ku xeeran, waxayna sheegayaan dadka deegaannadaasi in aad ay ugu diirsadeen.

Gobolka Banaadir oo ah Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa xalay isna ka curtay roob aad loogu diirsaday, waxaana muuqaneysa in baryada alle kadib ilaaheey adoomadiisa uu u ajibay oo roobkii la sugayay curtay.

Dad fara badan oo kasoo cararay abaarta dhalka ku dhufatay  ayaa sheegaya in haddii ay bilowdaan roobabkii ay Gobolladooda dib ugu laaban doonaan isla markaasina guda geli doonaan shaqooyinkoodii tacbashada beeraha iyo dhaqashada xoolaha.

Please follow and like us:
0

Related posts

Leave a Comment