Mareykanka oo doonaya in dagaal toos ah uu kula galo dalka Xarakada Alshabaab

Ciidamada Mareykanka ee kusugan qeybo kamid ah Afrika gaar ahaan Soomaaliya ayaa dagaal waxa ay kula jiraan Xarakada Alshabaab, waxaana dagaaladooda ay xilligan ku kooban yihiin Duqeymo iyo arimo sirdoon.

Qorshaha ay iminka doonayaan Ciidamada mareykanka ahaa ah in ay si toos ah uga dagaalamaan meelo ay Soomaaliya kamid tahay oo aysan ku koobnaan duqeymaha iyo waxa lamidka ah, waxaana arintaasi ay ka gudbiyeen codsi.

Taliyaha Taliska Maraykanka Africa ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa in la siiyo awood dheeraad ah si ay dagaal toos ah ugu qaadaan dagaalyahanada xarakada Al-Shabaab, wuxuuna intaasi raaciyay Thomas Waldhauser oo Pentagon-ka ka hadlayay in ay qaadi dooni doonaan howlgal ay si gaar ah u fuliyaan iyo sidoo kale kuwo ay kala kaashadaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM hadii awood dheeraad ah lasiiyo.

Waxa uu xusay in howlgalka la dagaalanka Al-Shabaab ee Dowladda Mareykanka laga dareemaayo Habacsanaan badan taasi oo keentay in kooxahaasi ay awoodooda dib ugu soo kabsadaan mareykankana ay ku tahay sharaf darro.

Ciidamada mareykanka ayaa waxa ay kusugan yihiin qeybo badan oo afrika kamid ah hayeeshee si gaar ah Soomaaliya ayay ugu sugan  yihiin oo mararka qaar hawlgallo aysan dowladda ka warheyn ka fuliyo goobaha ay ku tuhmayaan in ay saraakiisha xarakada Alshabaab ay kusugan yihiin.

Muqdishoonline.com

MUQDISHO

Please follow and like us:
0

Related posts

Leave a Comment