Dowladda Urdun oo 20tan deeq ah u soo dirtay Soomaaliya

0
52

Hey’adda Kheyriga ah ee Alhaashimiya oo kaashaneysa Ciidamada Xoogga dalka Urdun ayaa diyaariyay deeq ay ugu talagaleen Shacabka Soomaaliyeed oo dhibaato abaar tii ugu xumeyd ku habsatay sanadkan.

Diyaarad ay leeyihiin Ciidanka Xoogga dalka Jordan ayaa laga soo buuxiyay 20tan oo deeq ah, waxaana ay u soo direen dhanka Soomaaliya kadib markii uu amray Boqorka dalka Jordan Boqor Cabdallaha labaad.

Diyaaraddan ayaa waxaa soo raacaya wafdi ka socda dowladda Urdun, waxaana ay ku wareejin doonaan marka ay Muqdisho soo gaaraan Guddiga gurmadka abaaraha oo dowladda Soomaaliya arrimahan ay u wakiilatay.

Xoghayaha Guud ee Hey’addan Urdun Ayman Almuflax ayaa sheegay in diyaaraddan oo wada 20tan oo deeq raashiin ah ay dowladda Soomaaliya ku wareejin doonaan iyo hey’adaha abaaraha u xilsaaran, wuxuuna xusay in horey ay degmada Balcad uga dhiseen iskuul weyn iyo xarun caafimaad kaas oo la furay 2015kii.

waxaa sidoo kale uu sheegay in ay soo saxiixeen heshiis ah sidii ay iskuul kale ugu dhisi lahaayee deegaannada Puntland taasi oo dowladda Urdun ay maalgelineyso.

Dowladda Urdun ayaa kamid ah dowladaha carbeed ee Soomaaliya xiriirka wanaagsan laleh, waxaana soon waliba ay dalka soo gaarsiiyaan deeq raashiin ah oo ay u qeybiyaan dadka dhiban si ay ugu moodaan bishaasi ramadaanka.

 

Muqdishoonline.com

MUQDISHO

Please follow and like us:
0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here