Waqtigii la dooran lahaa Madaxweynaha Galmudug oo la isku afgartay

Xildhibaannada Baarlamaanka Maamul Goboleedka Galmudug ayaa waxa ay maanta kulan kuyeesheen xaruntooda kumeel gaarka ah ee magaalada cadaado si ay uga shiraan xilliga doorashada madaxweynaha. Kulanka oo saakay furmay ayaa buuq ku bilowday kadib markii ay isku fahmi waayeen xildhibaannada xilliga laga dhigayo doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo Madaxweynahoodii hore C/kariim Xuseen Guuleed arimo caafimaad dartii isku casilay. Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa ugu dambeyn ku heshiiyay Doorashada Madaxweynaha Galmudug in la qabto 10-ka Bisha April ee sanadkan 2017 inkastoo buuq uu ka dhacay kulankii baarlamaanka. Guddoomiyaha Barlamaanka Maamulka Galmudug…

Read More

Xoghayaha Degmada Wadajir oo la dilay iyo Guddoomiye waaxeed la dhaawacay

Magaalada Muqdisho oo falka dilalka maalmahan aad ugu soo kordhay caasimadda dalka ayaa waxaa si gaar ah loo beegsanayaa mas’uuliyiinta dowladda u shaqeeya. Xoghayaha Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir C/raxmaan Axmed Calasow ayay kooxo hubeysan ku dileen isla degmadaasi waxaa sidoo kale dhaawac uu soo gaaray Guddoomiye waaxeed katirsan maamulka degmada Wadajir. Kooxo Hubeysan ayaa oo gaari saarnaa ayaa kujaray isgoyska korontada gaariga uu saarnaa xoghayaha iyo mas’uuliyiinta kale kadibna waxaa lagu furay rasaas keentay in hal mas’uul dhaawacmo halkalena uu geeriyooda, waxaa sidoo kale weerarka ku geeriyooday labo askari…

Read More

C/llaahi Ciise Max’uud “Horseedkii Xoriyadda Soomaaliya”.

TAARIIKH NOLOLEEDKII HALGAME C/LLAAHI CIISE Diiwaanka Taariikhda dal walba oo dunida ka mid ah waxaa ku xardhan sooyaalkii wadamadaasi iyo kifaaxii ay u soo galeen hanashada Madax banaanidooda,waxaa xusuus reebyadaasi ku tilmaaman muwaadiniintii naf iyo maalba u huray oo shucuubtooda ku hogaamiyay dariiqa guusha. Shacbiga Soomaaliyeed wuxuu ka mid yahay umadaha dunida eek u tilmaan gumaysi diidka, lehna taariikh fac wayn oo gobanimadoon oo soo taxnayd qarniyaal dhowr ah. Geesiyaasha ku daabacan quluubta  Soomalida waxaa ka mid Imaam Axmed Ibraahim Axmed Guray, Sayid Max’ed C/lle Xasan,Shiikh Bashiir, Shiikh Xasan Barsame,…

Read More

Mareykanka oo doonaya in dagaal toos ah uu kula galo dalka Xarakada Alshabaab

Ciidamada Mareykanka ee kusugan qeybo kamid ah Afrika gaar ahaan Soomaaliya ayaa dagaal waxa ay kula jiraan Xarakada Alshabaab, waxaana dagaaladooda ay xilligan ku kooban yihiin Duqeymo iyo arimo sirdoon. Qorshaha ay iminka doonayaan Ciidamada mareykanka ahaa ah in ay si toos ah uga dagaalamaan meelo ay Soomaaliya kamid tahay oo aysan ku koobnaan duqeymaha iyo waxa lamidka ah, waxaana arintaasi ay ka gudbiyeen codsi. Taliyaha Taliska Maraykanka Africa ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa in la siiyo awood dheeraad ah si ay dagaal toos ah ugu qaadaan dagaalyahanada xarakada…

Read More

Roob bilow ah oo ka curtay Gobollada Hiiraan, Sh/dhexe iyo Banaadir

Iyadoo Gobollada dalka ay kajireen abaaro xoogan roobabkii la sugayay xilligii la bartayna sanadkan ay dib uga soo dhaceen ayaa salaad iyo alle bari kadib waxaa bilowday roobkii la sugayay. Gobollada ay roobabkan ka bilowdeen waxaa kamid ah Gobolka Hiiraan oo deegaanka Moqokori iyo deegaan kale ay si aad ah uga da’eeh xalay, waxaana dadka deegaannadaasi ay soo sheegayaan in roobka uu ahaa mid lagu diirsaday. Gobolka Sh/dhexe ayaa isna gelinkii dambe ee shalay ka curtay roobka, waxaana deegaannada uu ka da’ay kamid ahaa Mahadaay iyo deegaannada ku xeeran, waxayna…

Read More

Dowladda Urdun oo 20tan deeq ah u soo dirtay Soomaaliya

Hey’adda Kheyriga ah ee Alhaashimiya oo kaashaneysa Ciidamada Xoogga dalka Urdun ayaa diyaariyay deeq ay ugu talagaleen Shacabka Soomaaliyeed oo dhibaato abaar tii ugu xumeyd ku habsatay sanadkan. Diyaarad ay leeyihiin Ciidanka Xoogga dalka Jordan ayaa laga soo buuxiyay 20tan oo deeq ah, waxaana ay u soo direen dhanka Soomaaliya kadib markii uu amray Boqorka dalka Jordan Boqor Cabdallaha labaad. Diyaaraddan ayaa waxaa soo raacaya wafdi ka socda dowladda Urdun, waxaana ay ku wareejin doonaan marka ay Muqdisho soo gaaraan Guddiga gurmadka abaaraha oo dowladda Soomaaliya arrimahan ay u wakiilatay.…

Read More

Shil ay ku dhaawacmeen 10ruux oo xalay ka dhacay Tarabuunka

Shil gaari ayaa lagu soo waramayaa in habeenkii xalay uu ka dhacay wadada Isgoyska Tarabuunka halkaasi oo gawaarida si xawli ah ay ku maraan maadaama uu heysto laami nadiif ah. Shilkan ayaa ka dhashay kadib markii uu rogmaday gaari nooca ay Soomaalidu u taqaan caasiga oo dad ay saarnaayeen, waxaana ku dhaawacmay inta laga warhayo 10-qof oo dhaawacyadooda kuwa fudud iyo kuwa culus isugu jira. Gaarigan ayaa dadkii goobjooga ka ahaa waxa ay u sheegeen Muqdishonline.com in gaariga oo xawli ku socday markeliya uu rogmaday, waxaana taasi ay dhalisay in…

Read More