Ra’iisal wasaare Kheyre oo ka dalbaday Golaha Shacabka in Golaha wasiirada si deg deg ah loo ansixiyo

0
237

Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo hadal jeediyay kadib ku dhawaaqista Golihiisa wasiirada cusub ayaa waxa uu ka hadlay sababta keentay in xukuumaddiisa ay tiro badato.

Waxa uu sheegay in sidaasi ay u sameeyeen in Soomaalida oo dhan ay iska dhex arkaan sidoo kalena xisaabtan dhab ah uu yimaado si dalka shaqada uu u baahan yahay loogu qabto.

Baaq ayuu u jeediyay Ra’iisal wasaare kheyre Golaha Shacabka isaga oo ka codsaday in Golaha wasiirada maanta uu ku dhawaaqay ay si deg deg ah ku ansixiyaan maadaama hawlo fara badan uu dalka u baahan yahay in laga qabto.

“Golaha Shacabka waxaan leeyahay aad baad ugu mahadsantihiin tageeradiina, dalkani wuxuu u baahan yahay xukuumad shaqeysa sida ugu dhaqsiyaha badan, sidaasi daraadeed anigoo og inay gudan doonaan xilkooda, iyagana waxaan ka codsanayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan nagala shaqeeyaan inaan ansixino xukuumaddan cusub” ayuu yiri ra’iisal wasaare kheyre.

Xukuumaddan cusub ee uu ku dhawaaqay ra’iisal wasaare kheyre ayaanan la ogeyn waxa baarlamaanka uu kala kulmi doono, waxaana muuqata in ay jiraaan dad badan oo aan ku qanacsaneen.

Please follow and like us:
0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here