Qaramada Midoobay oo xafiis ka furatay Baydhabo

0
99

Iyadoo xaaladda abaareed ee kajirta Dalka Soomaaliya ay soo kordheyso ayaa wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo waxa ay shaagayaan in Qaramada Midoobey ay halkaas ka furtay xarun isku duwida howlaha gargaarka ee abaaraha loogu gurmanayo Gobolada Koonfur Galbeed.

Qaramada Midoobay ayaa u furatay xaruntan sidii ay isugu muujin laheyd kaalinta ay dooneyso in ay ka qaadato gargaarkaa loo fidinayo dadku ay abaaruhu dhibaateeyeen.

Gobollada Baay iyo Bakool iyo deegaanno badan oo kamid ah Koonfur Galbeed ayaa dhibaatada abaartu ay kusii korortay, kuxigeenka isku duwaha gargaarka bani’aadanimada Qaramada Midoobey Vincent Leli ayaa sheegaya in xarunta laga furay

Waxaa uu sheegay in deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay ka mid tahay meelaha ugu daran ee abaartu saameysay iyadoo weli wax ka qabadka dadka waxyeelladu abaarta kasoo gaartay lagu hawlan yahay.

Wasiirka Arrimaha gudaha maamulka koonfur galbeed Maxamed Xasan Fiqi ayaa sheegay in xaruntan loo isticmaali doono sidii deg deg wax looga qaban lahaa abaarta iyo xaaladaha ka jira gobolada koonfur galbeed.

Please follow and like us:
0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here