SAWIRO : 5qof oo ku geeriyootay qaraxii Galabta Muqdisho ka dhacay

Qarax aad u xoogan ayaa ka dhacay kasoo horjeedka Guriga Hooyooyinka halkaasi oo ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira. Gaariga qarxay ayaa waxaa istaajiyay askari katirsan Ciidanka Xoogga dalka kadib markii uu ka shakiyay, waxaana isla markii uu istaajiyay qarxay gaarigii, halkaasi oo uu ku nafwaayay askarigii. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxan beegsigiisu uu ahaa meel kale hayeeshee uusan gaarin, waxaana ku geeriyooday qaraxa inta dowladda Soomaaliya ay xaqiijisay 5ruux halka tiro kabadan 10qof ay kudhaawacmeen. Dhinaca kale Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Xalane oo Saxaafadda…

Read More

Shacabka Soomaaliyeed oo kala aragti ka noqday Golaha Wasiirada Cusub

Golaha Wasiirada cusub oo maanta lagu dhawaaqay kana kooban 68kursi ayaa waxaa aragtidooda ku cabiray qaar kamid ah bulshada Soomaaliyeed ee kudhaqan Gobolka Banaadir. Dadka oo kala ra’yi duwan, waxa ay sheegayaan qaarkood in Golahan cusub ay yihiin kuwa wax qaban kara isla markaasina xaaladda dalka uu kujiro ka saari kara, waxayna u sababeynayaan in aqoon ay u leeyihiin shaqooyinka loo dhiibay. Dad kale ayaa iyaguna qaba ra’yi kaas ka duwan, waxaana ay sheegayaan in Golahan wasiirada lagu soo badiyay xildhibaanadii ladoonayay in ay la xisaabtamaan xukuumadda taasina ay tahay…

Read More

Nin Oday ah oo isku dal dalay Degmada Wadajir!

Soomaalida maalmaan dambe waxaa kusoo kordhay dhaqan horey looga bartay dadka aan islaamka aheyn, kaasi oo ah in ay is dilaan taasina waa arin aanan ku banaaneyn diinteena Islaamka. Hadaba wararka naga soo gaaraya Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in maanta halkaasi uu ka dhacay fal isdal dalaad ah kaasi oo uu ku dhaqaaqay ruux Soomaaliyeed. Falkan oo ka dhacay Agagaarka halka loo yaqaan kaawo godeey ayaa waxaa isku daldalay nin oday ah sida dadka deegaanka ay u sheegeen Muqdish Online, waxaana lasheegay in xarig uu…

Read More

Ra”iisal wasaare kheyre “Wasiirkii ama wasiiraddii lagu ogaado in sirta qaranka ay bixiyeen shaqadooda ayay ku waayi doonaan”

Kadib markii maanta uu ku dhawaaqay ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre Xukuumaddiisa ayaa hadallo kulul oo isugu jira digniin iyo dhiiragelin u jeediyay wasiirada cusub ee uu soo magacaabay. Waxa uu sheegay in la xisaabtan cusub uu jiro doono wasiir kastana lasiin doono hab raaca shaqada sidoo kalena la diiwaan gelin doono mas’uul waliba hantida guurtada iyo maguurtada uu leeyahay si hadhow loola xisaabtamo marka uu xilka ka tegayo. Sidoo kale waxa uu sheegay ra’iisal wasaare kheyre in wasiir waliba laga saxiixi doono qarinta sirta qaranka, “Wasiirkii…

Read More

Ra’iisal wasaare Kheyre oo ka dalbaday Golaha Shacabka in Golaha wasiirada si deg deg ah loo ansixiyo

Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo hadal jeediyay kadib ku dhawaaqista Golihiisa wasiirada cusub ayaa waxa uu ka hadlay sababta keentay in xukuumaddiisa ay tiro badato. Waxa uu sheegay in sidaasi ay u sameeyeen in Soomaalida oo dhan ay iska dhex arkaan sidoo kalena xisaabtan dhab ah uu yimaado si dalka shaqada uu u baahan yahay loogu qabto. Baaq ayuu u jeediyay Ra’iisal wasaare kheyre Golaha Shacabka isaga oo ka codsaday in Golaha wasiirada maanta uu ku dhawaaqay ay si deg deg ah ku ansixiyaan maadaama hawlo fara badan uu…

Read More

Qaramada Midoobay oo xafiis ka furatay Baydhabo

Iyadoo xaaladda abaareed ee kajirta Dalka Soomaaliya ay soo kordheyso ayaa wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo waxa ay shaagayaan in Qaramada Midoobey ay halkaas ka furtay xarun isku duwida howlaha gargaarka ee abaaraha loogu gurmanayo Gobolada Koonfur Galbeed. Qaramada Midoobay ayaa u furatay xaruntan sidii ay isugu muujin laheyd kaalinta ay dooneyso in ay ka qaadato gargaarkaa loo fidinayo dadku ay abaaruhu dhibaateeyeen. Gobollada Baay iyo Bakool iyo deegaanno badan oo kamid ah Koonfur Galbeed ayaa dhibaatada abaartu ay kusii korortay, kuxigeenka isku duwaha gargaarka bani’aadanimada Qaramada Midoobey Vincent Leli…

Read More

Ra’iisul wasaare kheyre oo magacaabay golahiisa wasiirada

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa duhurnimada maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa magaaladda Muqdisho kaga dhawaaqay Gole wasiiro oo ka kooban, Ra’iisul wasaare ku xigeen, 26 wasiir, 26 wasiir ku xigeeno  iyo laba wasiiru dowlo. Golahan wasiiro ee uu magacaabay Ra’iisul wasaare kheyre ayaa waxaa ka muuqda xubno horay uga soo shaqeeyay xukuumadahii hore ee soomaaliya, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka  soomaaliya iyo safiiro dalka ku matali jiray wadamo iyo hey’adda QM. Wasaaradaha sare ee xukuumadda ayaa waxaa loo magacaabay shakhsiyaad horay uga soo qabtay jagooyin sare xukuumadihii…

Read More